4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Maalinta Qaaxada Adduunka oo Maanta laga Xusay Laascaanood (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay maalinta Qaaxada Adduunka oo maanta ku beeganayd ayaa lagu qabtay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Munaasibadda oo ay ka qayb galeen bahda caafimaadka, maamulka degmada, wax-garad iyo dadweyne fara badan ayaa lagaga hadlay sida loogu baahan yahay wacyi-gelin qaybaha bulshada ee ay faafidda cudurka Qaaxada, TB-da iyo sidii la isaga kaashan lahaa gacan siinta bukaanka isbitaalka Qaaxada ku jira.

Dr. Cabdi Maxamed Buraale ayaa si weyn uga warramay xilliyadii kala duwanaa ee ay soo mareen tan iyo markii ay fureen isbitaalka Qaaxadda sannadkii 1999-kii, waxaanu xusay in maanta horumar yar laga gaaray, taasoo ay ka mid tahay inay dadku ku dhiirradaan fahmida cudurka iyo daaweyntiisu inay fududahay, isagoo ku daray intaas in weli loo baahan yahay in bulshada la wacyi-geliyo.

Maxadaxa dabar-goynta dabeysha ee gobolka Sool, Xaliimo Xasan Bisaas oo ka hadashay munaasabadda ayaa tilmaantay sida ugu fudud ee TB-da lagula dagaalami karo, kuwaasoo ay ka xustay meelaha bulshada ka dhexeeya oo ay ka yihiin maqaaxiyaha cuntada laga cuno, kuwa shaaha laga cabo, suuqyada caanaha iyo goobaha lagu qayilo.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Agaasimaha isbitaalka Laascaanood, Fahiima Koosa-faare ayaa si dheer uga hadashay iyaduna quudinta dadka isbitaalka Qaaxada jiifa oo inta badan lacagta ku baxda ay bixiso shirkadda xawaaladda Kaah iyo ururro waddani ah lacag dhan 1000 doollar ugu deeqa isbitaalka, balse waxaa loo baahan yahay bay tiri in la kordhiyo si dad badan xerayntood loogu helo furad, iyadoo haatan isbitaalka ay jiifaan 32-rag ah iyo saddex haween ah.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay duqa Laascaanood, Cabdulqaadir Jaamac Saalax oo sheegay inay billaabi doonaan tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo nadaafadda magaalada, wuxuuna si aad ah u amaanay maamulka isbitaalka TB-da gaar ahaan Dr. Buraale oo ka warbixiyay muddadii daweynta dadka buka ay u soo dhabar-adaygeen, wuxuuna ballan-qaaday inay gacan kaga geysanayaan sidii lagu caawin lahaa isbitaalka.

Isbedelka ku yimid sannadkan iyo sannadihii ka horreeyey ayaa aad u kala gedisan waxayna dadka ka shaqeeya qaybta baaristu xaqiijiyeen in sannadba sannadka ka dambeeya ay kor u sii kacayaan dadka iska baaraya xannuunka qaaxada.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool