4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Madaxweyne Gaas oo la kulmay Bulshada Magaalada Boosaaso (SAWIRRO)
Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii saddexaad magaalada Boosaaso ku sugan ayaa maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay xubno metelayay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka uu Madaxweynuhu la kulmay ayaa isugu jirey: wax-garad, aqoon-yahanno, haween iyo dhallinyaro. Kulanka waxaa layskula soo qaaday arrimo badan, waxaana ugu muhiimsanaa: sugidda ammaanka, baahiyaha gobolka ka jira; iyo weliba sidii ay dowladda iyo bulshaduba wax ka qabashadooda isaga kaashan lahaayeen.

C/weli Gaas ayaa sheegay in gobolka Bari uu yahay gobolka ugu dhaqaalaha iyo dadka badan dhammaan deegaanada Puntland, uuna mudan yahay in tixgelin dheeri ah la siiyo, isagoo ballan qaaday in xukuumaddiisu ay mashaariic badan oo dhanka horumarinta la xiriira ay gobolka ka fulin doonto.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xoojinta ammaanka iyo nabadgelayada ayuu Madaxweynuhu ka codsaday dadkii uu maanta la kulmay inay ka qayb qaataan, isagoo carrabka ku adkeeyey in nabadgelyada aan la sugi karrin hadii la waayo wada-shaqeyn xooggan oo ka dhexsa shacabka iyo dowladda.

Dadkii kulanka ka qayb galay qaar kamid ah ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in uu ka dhabeeyo waxyaabihii uu ballan qaaday xilligii uu masharaxa ahaa, gaar ahaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii dhallinyarada shaqooyin loogu abuuri lahaa.

Kulanka kadib, waxay Mudane C/weli Gaas iyo qaar kamid ah wasiirradiisu booqdeen dekedda magaalada Boosaaso iyo garoonka diyaaradaha. Booqashada Madaxweynaha Puntland uu Boosaaso ku joogo ayaa ah tii ugu horreysey ee uu ku yimaado tan iyo markii xafiiska loo dhaariyey bishii Janaayo ee lasoo dhaafay.

Degmada Boosaaso oo hal-bowle u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga deegaanada Puntland, waxay kamid ahayd degmooyinka sida aadka ah looga taageeray Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas xilligii uu murashaxa madaxweynenimo ahaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya