4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Wasiirka Hidaha oo dhagax-dhigay kuliyadda caafimaadka SIMAD (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Wasiirka hiddaha iyo Tacliinta sare ee Somalia, Ducaale Aadan Maxamed ayaa dhagax-dhigay dhismaha kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda SIMAD, kaddib munaasabad maanta lagu qabtay xarunta weyn ee jaamacaddi ay ku leedahay Muqdisho.

Wasiirka oo ka hadlay munaasanadda ayaa sheegay in dhibaatada muddada dheer dalka ka jirtay ay qayb ka tahay caafimaadka bulshada oo aad u hooseeya, iyadoo tallaabada lagu dhisayo kulliyado caafimaad oo tayo leh na ay ka qeyb ka qaadan karto in xal loo helo dhibaatada  haysta shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga mahad-celiyay jaamacadda SIMAD dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta wax-barashada.

“Caafimaadka Somalia ma ahan dhakhtar oo kaliya, dhakhtarradu waa meesha ugu dambeysa caafimaadka, keligiisna wax ma qaban karo, waxaa ka horreeya xirfado kale oo ay ka mid yihiin umulisooyin, kalkaaliyeyaal, suuxiyeyaal, farmashiyiiste iyo raajiiste. Jaamacadda SIMAD iyo jaamacaha kale waxaan ugu baaqayaa in dhakhtar kaliya aan xoogga la saarin ee lasoo saaro shaqaalaha dhexe oo dhan,” ayuu yiri wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA:


Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, C/raxmaan Odawaa oo isaguna ka hadlay halka ay ka dhacaysay munasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in muddo 3-sano ah loo diyaar garoobayay in la furo kuliyaddan oo ku biiri doonta shan kuliyadood oo horay jaamacaddu u hir-galisay. Wuxuuna tilmaamay in macallimiintii iyo qalabkii ay u baahnayd kulliyaddani la diyaariyay lana howlgalin doono bisha September ee sannadkaan.

“Dhismahan quruxda badan leh wuxuu noqon doonaa midka lagu billaabo hadduu Alle idmo kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda SIMAD, waxaa shaqaale ahaan loogu qoray dhaqaatiir waa-weyn oo gudaha dalka iyo dibaddaba ka yimid, innagu waxaan ballan-qaadeynaa inaan ku dadaalno tayada kulliyaddaan si la mid ah sida kuwii ka horreeyay,” ayuu yiri guddoomiyaha SIMAD Odawaa.

Wuxuu intaa ku daray in jaamacaddu ay diyaarineyso Isbitaal weyn oo qalabeysan oo loogu talo-galay inuu taageero kulliyadda, kaasoo dhismihiisa lasoo gabagabeyn doono goor dhow.

Maxamed Sheekh Bashiir oo ah madaxa qaybta mashaariicda ee hay’adda Direct Aid (Muslim Afriiqiya) oo jaamacadda SIMAD u dhiseysa kuliyadda ayaa sheegay in xilli loo baahan yahay in ku aadday in jaamacadda SIMAD ay horgaliso kuliyaddan, isagoo intaa ku daray in hay’addoodu ay mashaariic kale oo horumarineed ku taageeri doonto jaamacadda.

Ugu dambeyn; waxaa lasoo bandhigay qaabka loo dhisayo kuliyadda caafimaadka, kaasoo ah mid hab casri ah u dhisan, iyadoo mashaariicdan ay qayb ka tahay mid lagu horumarinayo jaamacadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya