4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Xubno ka tirsan Ururka Ikhwanul-Muslmiinka oo dil toogasho ah lagu xukumay

Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Maxkamad ku taalla Masar ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday 529-ruux oo ka tirsan Ikhwaanul -Muslimiinka dalkaas ,waxaana maxkamadda ay ku soo eedaysay xubnahan in ay ka qayb-qaateen rabshado ay dhiig badan ku daateen oo ka dhacay magaalada Qaahira.

"Go'aanka waxaa gaartay maxkamadda balse waxaa danbiga lagu soo oogay lagu wayay 16-ruux ,iyagana xoriyaddooda dib ayey u heleen "ayuu yiri Axmed Al-sharif oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Eedaysanayashan la xukumay ayaa laga soo qab-qabtay degmada Minya rabshado ka dhacayay 14-kii agoosto ee sanadkiii la soo dhaafay ,waxaana gudaha maxkamadda ku sugnaa 123-ruux oo ka tirsana ,halka 406-da ruux ee kale ay qaarkood ka baxsadeen gacanta dowladda.

Xubno kale oo ka tirsan Ikhwanul-Maslimiinka oo gaaaraya 700 oo ruux ayaa iyagana lagu wadaa in maxkmadda la so taago talaadada soo socota ,waxaana loo haystaa in ay weerarro ka gaysteen goobo ay dowladda leedahay isla bishii Agoosto ee sanadkii hore.

Dowladda Masar hadda ka jirta ayaa ururka Ikhwaanul-Muslimiinka horey ugu aqoonsatay in ay yihiin urur argagaxiso ,waxaana hogaanka Militariga dalkaas ay bilaabeen in ay la dagaallamaan ururkaas iyo cid kasta oo taageersan.

Rabshadaha Masar oo isa sii tarayay waayahii u danbeeyay ayaa yimid ka dib markii xilka laga tuuray Maxamed Mursi oo matalayay ururka Ikhwaanka ,waxaana ka sii horeeyay rabshado kale oo iyadana xilka looga tuuray Xusni Mubarak oo muddo badan talada dalkaas soo hayay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]