4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
BRITAIN: eedeysaneyaal loo haysto dambi la xiriira gudniinka hablaha

Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Xeer ilaalinta wadankan Britain ayaa maxkamad soo taagi doonta labadii qof ee ugu horeeyey oo lagu soo eedeeyey dembi la xiriria gudniinka Fircooniga ah ee dumarka, laga soo bilaabo sannadkii 1985, markaas oo gebi ahaanba gudniinka hablaha dalka Britain laga mamnuucay.

Lama shaacin wadamada ay asal ahaan kasoo jeedaan labada qof ee eedaysaneyaasha ahi. Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Dr Dhanuson Dharmasena oo 31 jir ah islamarkaana deggen  Ilford, bariga London kana howlgala isbitaalkaWhittington, ayaa la sheegay in loo haysto dembi ah inuu qalliin ku sameeyey dibna u farsameeyey haweeney isbitaalkaas ku umushay November 2012-kii. Haweeneyda ayaa gudniin hore soo martay.

Eedeysanaha labaad oo isna lagu magacaabo Xasan Maxamed oo 40 jir degganna Holloway Waqooyiga London, ayaa loo haystaa dembi ah inuu caawiyey una diyaariyey dhaqtarka inuu falkan geysto.

Haweeneyda madaxa ka ah xeer ilaalinta wadanka Briatain Alison Saunders oo arrintan ka hadashay ayaa ku tilmaamay xad-gudub aan sinaba loogu dulqaadan karin "labadan qof waxay ku xadgudbeen sharciga wadankan...waxan haynaa cadeymo badan oo maxkamadda horteeda la keeni doono". Alison Saunders waxay kaloo sheegtay inay jiraan ilaa 4 kiis oo kale oo ay baarayaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha James James Brokenshire oo isna arrintan ka hadlay ayaa yiri: "Dawladu waxay xoojineysaa dardarna galineysaa  sidii dambigan baaritaan dheeri ah loogu sameyn lahaa loona siin lahaa dhibanayaasha awood  ay ku dacwoodaan si ay sharciga ula tiigsadaan ciddii falka u geysatay. Fariinta ay dawladdu gudbineyso waa in la dareemo inay si aad ah uga soo horjeeddo gudniinka hablaha..."

Dhan kale, xog-hayaha Waxbarasha  Wadankan Briatin Michael Gove ayaa warqad u qoray dhammaan goobaha waxbarashada wadanka, isagoo ku boorrinaya inay cawiyaan gabdhaha yaryar kana badbaadiyaan gudniinka.

Sanadkii 1985 ayaa dalka Britain laga soo saaray sharci mamnuucaya gudniinka hablaha, kaas oo lasii xoojiyey sannadkii 2003. Ciqaabta qofkii lagu helo dembi gudniinka la xiriira ayaa ah inta u dhexeysa 5 ilaa 14sano, sidoo kale waxaa muwaadiniinta Ingiriiska ah laga xaaraantinimeeyey in ay hablahooda wadamada dibadda ah kusoo gudaan.

Hashim Duale, Britain
[email protected]