4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Ciidamo badan oo kuwa Somaliland ka tirsan oo soo gaaray G.Sanaag

Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) —Xiisad ayaa ka taagan gobolka Sanaag oo dhowaan deegaano ka tirsan uu booqday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Labada maamul ee Puntland iyo Somaliland oo muran dhanka dhulka ahi uu ka dhexeeyo, ayaa ciidamo ku daad gureynaya gobolka, kaddib booqashadii Madaxweynaha Somaliland ee degmada Laas-qoray.

Wararkii ugu dambeeyey ee gobolka Sanaag naga soo gaaray waxay sheegayaan in boqollaal ciidamada Somaliland ka tirsan oo wata gaadiidka dagaalku ay soo gaareen tuulada Carmaale oo qiyaastii 75km dhinaca koonfur-galbeed magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag kaga beegan.

Joogitaanka ciidamada Somaliland ee deegaanka Carmaale, waxaa xaqiijiyey G/sare Cabdilaahi Cumar Cashuur oo isagu ah taliyaha qaybta 9aad ee ciidamada Daraawiishta Puntland oo fadhigoodu uu yahay gobolka Sanaag.

Gaashaanle Cashuur oo maanta waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Daljir ayaa sheegay inay ka warhayaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada Somaliland ayna diyaar u yihiin inay iska difaacaan haddii ay dhankooda usoo ruuqaansadaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"waa ka warhaynaa ciidamada Somaliland ee jooga tuulada Carmaale...aad buu dadku u kacsan yahay anaguna diyaar baan u nahay inaan iska difaacno haddii ay dhankeena usoo dhaqaaqaan..." taliyaha qaybta 9aad ee Daraawiishta Puntland ayaa sidaas war-fidiyeenka u sheegay isagoo degmada Badhan ku sugan.

16-kii bishan March ayey ahayd markii booqasho aan horay loo shaacin ay degmada Laasqoray kusoo gaareen wafdi uu horkacayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), booqashadaas oo muran badan dhalisay.

Maamulka Puntland oo si kulul uga hadlay booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee gobolka Sanaag ayaa ku tilmaamay daandaansi, waxayna Puntland sidoo kale ka digtay tallaabo walba oo abuuri karta xiisad colaadeed islamarkaana wax u dhimi karta ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya