4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Qoraa C/fataax Cajab oo xaflad sagootin ah loo sameeyey(SAWIRRO)
Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) —Mu'asasada Al-minhaaj ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay munaasabad sagootin iyo maamuus isugu jirtay oo loo sameeyey Qoraa C/fataax Maxamuud Ducaale Cajab.

Qoraaga ayaa soo gabagabeeyey barnaamijyo kala duwan oo dhallinyarada loo qabtay ayna kamid ahayeen: aqoon-is-waydaarsiyo, muxaadarooyin iyo kulammo kale oo uu dadka uga faa’iidaynayay aqoontiisa islamarkaana soo socdey muddo bil ah.

Xafladda sagootinta oo ay kasoo qayb galeen arday, mas'uuliyiin ka tirsan Jamacadaha iyo iskoollada Boosaaso, ganacsato iyo marti-sharaf kale ayaa waxaa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Mu'asasada Al-minhaaj Ciise Siciid maxamuud,  isagoo sheegay in qoraagu muddo bil ah uu waday siminaaro iyo muxaadarooyin uu u jeedinayey ardayda dugsiyada sare, macaahidda diiniga ah iyo jaamacadaha.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Qoraa C/fataax Maxamuud Ducaale Cajab oo isna sii kooban goobta uga hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey dhammaan dadkii qaybta ka qaatay xafladdan oo ahayd mid isaga si gaar ah loogu maamuusayey, wuxuuna intaas kaddib jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysey haseyeeshee nuxurkeedu uu kusoo ururayey muhiimadda waxbarashada iyo kaalinta dhallinyarada kaga aadan horumarinta dalka.

Ugu dambayntii, waxaa madasha ka hadlay Guddoomiyaha Mu'asasada Al-minhaaj Maxamed Maxamuud Ciise, wuxuuna sheegay in aysan joojin doonin howlahii uu bilaabay qoraa C/fataax Cajab, isagoo intaas raaciyey in rajo weyn ay ka qabaan in qoraagu uu dib mar kale magaalada Boosaaso ugu soo laabto.

Intii ay xafladdu socotey waxaa kasoo qayb galayaasha oo arday u badnaa la weydiiyey su'aalo isugu jirey diini iyo aqoon-guud, arday dhowr ah oo su'aalihii la weydiiyey si saxan uga jawaabay ayaa isla goobta abaal marino kala duwan lagu guddoonsiiyey.

Qoraa C/fataax Maxamuud Ducaale Cajab wuxuu kamid yahay aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee dalka dibaddisa wax kusoo bartay, wuxuuna maalmaha soo socda dib ugu laaban doonaa dalka Masar oo sanadihii ugu dambeeyey uu ku noolaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya