4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo gaaray deegaanno ka tirsan Galguduud

Isniin, Maarso, 24, 2014 (HOL) --- Ciidamada dowladda Soomaaliya oo wehliyaan kuwa AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya ayaa saacadihii ugu danbeeyay la wareegay deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Ciidamada is baheysanaya oo labadii cisho la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo militari iyo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobollada dhexe, ayaa u suurtagashay in ay la
wareegaan gacan ku heynta deegaannada God-dhurwaa, Ceel-garas iyo Ceel-La-helay oo ka wada tirsan degmada Ceelbuur.

Saraakiil qeyb ka ah howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada is baheysanaya si nabad-galyo ah ula wareegeen deegaannadaas oo ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

Howlgalka ciidamada ayaa la sheegay in uu ku wajahan yahay degmada Ceelbuur oo ah saldhiga ugu ballaaran ee Al-shabaab  ay ku leeyihiin waqtigan gobollada dhexe, kadib markii dhawaan lagala wareegay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale dhaq-dhaqaaqyo militari ayaa ka soconaya deegaanno ku dhaw dhaw degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan ee wali ku jira gacanta Al-shabaab.

Is ballaarinta ay sameynayaan ciidamada dowladda iyo AMISOM ee gobollada dhexe ayaa ku soo beegmaya xili khilaaf xoogan uu soo kala dhax-gallay maamulka Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.