4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
R.W C/WELI: " waxashnimo ayuu ahaa weerarkii odayaasha lagu diley"

Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) —Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa cambaareeyey weerarkii lagu diley odayaasha dhaqanka ee gelinkii dambe ee shalay ka dhacay duleedka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid waxashinimo ah, islamarkaana aan wax sal ah ku lahayn diinta Ismaalmka iyo weliba dhaqanka Soomaalida, isagoo xusay in dadka weerarkaas geystey lasoo qaban doono sharcigana la horkeeni doono "Waa fal aad u naxdin badan, waxaana geystay kooxo ma-naxayaal ah oo aan laheyn damiir islaanimo iyo mid Soomaalinimo"

Mudane C/weli oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:  "Hoggaamiyeyaasha dhaqanku waxay hormuud u yihiin nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dalka, waana hal-bowlaha bulshada Soomaaliyeed...waxan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan dhagar qabayaasha dhiigooda baneystay”.

Dowladda Soomaaliya ayaa weerarkan ku eedeysay Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee howlgalka nabad ilaalinta(AMISOM) u jooga dalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa iska fogeeyey eedeynta uga timid dhanka Dowladda Soomaaliya, waxaana sarkaal u hadlay uu sheegay in weerarkaas aysan iyagu wax lug ah ku lahayn. Siddeeda oday ee la dilay ayaa qayb ka ahaa kuwii wax ka dhisay maamul goboleedka koonfur-galbeed Soomaaliya.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya