4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Al-shabaab oo iska fogeeysay dilalkii odoyaasha ee Buurhakaba

Isniin, March 24, 2014(HOL) :- Xarakada Al-shabaab ayaa iska fogeeysay in ay wax lug ah ku leedahay dilal odoyaal dhaqaameed loogu geystay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, iyagoo dilalkaasi ku eedeeyay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay dilala loo geystay odoyaal dhaqameedkaasi in ay ka danbeeyeen xoogagga xarakada Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan xarakada Al-shabaab oo la hadlay shabakad afkooda ku hadasha ayaa sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn dhacdadii buurhakaba ee lagu laayay odoyaal dhaqameed ka yimid dhanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

“Mujaahidiintu wax lug ah kuma lahayn dhacdadii buurhakaba ee dadka sideeda qof gaaraya lagu dilay,” ayuu sarkaalku hadalkiisii raaciyay.

Xarakada Al-shabaab ayaa ku eedeeysay falalkaasi in ay ka danbeeyaan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

Shalay gelinkii danbe ayay ahayd markii odoyaal dhaqameed ka yimid dhanka magaalada Baydhabo lagu laayay duleedka degmada Buurhakaba, kadib markii lagala dagay gaadiid ay wateen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.