4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Madaxweeynaha Soomaaliya oo maanta u ambabaxay dalka Kuwait

Isniin, March 24, 2014(HOL) :- Wafdi uu horkacayo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Kuwayd.

Wafdiga madaxweeynaha ayaa la filayaa in dalka Kuwayd uu uga qeybgalo shir madaxeedaka wadamada Jaamacadda Carabta, kaasoo la filayo in uu dhawaan ka furmo dalkaasi.

Madaxweeynaha ayaa waxa safarkiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan golaha baarlamanka Soomaaliya, waxaana wafdiga sagootiyay wasiiro iyo madax ka tirsan dowladda oo uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamanka dalka Prof: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.

Sikastaba, wafdiga madaxweynaha ayaa la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto kadib markii uu kasoo qeybgalo shirka madaxda Jaamacadda Carabta ee ka dhici doono dalkaasi Kuwayd.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.