9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Iskahorimaad xalay ka dhacay degmada Huriwaa & baaritaan saaka ka socda

Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Iska-horimaad u dhexeeya ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii xerada Maslax oo saldhig u ah ciidamada AMISOM waxaana dagaalku uu ahaa mid saameyn xooggan ku yeeshay dadka ku nool xaafadda suuqa ee degmada Huriwaa.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka fudud iyo madaafiic, waxaana dagaalka uu socday muddo aad u kooban, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Saaka ayaa waxaa xaafadaha ku dhow xerada Maslax ka billowday baaritaanno ay si wadajir ah u sameynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ciidamadu ay qabqabteen dhallinyaro fara badan.

Degmada Huriwaa oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay falalka amni-darro ka dhacaan, iyadoo guddoomiyaha degmadaas uu horay u sheegay inay degmadaas soo galayaan xoogag Al-shabaab taageersan.

Xaaladda degmada ayaa saakay daggan, iyadoo sidoo kale xalay laga maqlayay qaybo ka mid ah qaraxyo kala duwan, waxaana tani ay imaanaysaa xilli uu Duqa Muqdisho ka dhawaajiyay inuu adkeynayo ammaanka Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya