4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Odayaal Dhaqameedyo lagu Toogtay Deegaan ku dhow Degmada Buur-hakaba

Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Oday-dhaqameedyo siddeed ah oo kaso jeeda gobalka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay shalay gellinkii dambe deegaan ka tirsan gobolka Bay, kaddib markii lagala dagay gaaari NOAH ah iyagoo kusii socda gobolka Shabeellada Hoose.

Odayaasha ayaa waxay ahaayeen odayaashii dhisay maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban, waxayna muddo sanad iyo seddex bilood ah ku sugnaayeen magaalada Baydhabo, iyadoo lagu toogtay deegaan 7-km u jira degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Guddoomiyaha degmada Buur-hakabo, Cali Xassan oo la hadlay HOL ayaa sheegay in odayaasha lagala dagay gaari ay ku safrayeen xilli ay marayeen meel ku dhow deegaanka Jameecada, iyadoo saacado kaddibna maydadkooda lasoo dhigay meel ku dhow halkaas.

“Mid ka mid ah odayasha oo dhaawacmay ayaa sheegay in rag hubeysan ay dilka ka dambeeyeen,” ayuu yiri Cali Xasan, iyadoo taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Aadan uu sheegay in dilkan ay ka dambeyso Al-shabaab.

Balse, Al-shabaab ayaa gaashaanka ku dhufatay inay ka dambeysay dilkii shalay loo geystay odayaashan, iyadoo sarkaal u hadlay uu sheegay inaysan jirin sabab u qasbaysa xilligan inay toogtaan odayaal dhaqameedyo.

Qaar ka tirsan waxgaradka iyo mas’uuliyiinta koonfur-galbeed ayaa saaka u socda degmada Buur-hakabo si ay ugu qayb-galaan aaska oday-dhaqameedyadii shalay gellinkii dambe lagu dilay deegaan u dhow degmada Buur-hakabo.

Hiiraan Online, Baydhabo