4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2014
Turkiga oo ka Warbixiyay dayactirka ay ku sameynayaan Laamiyada Muqdisho


Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Xoghayaha koowaad ee safaaradda dalka Turkigu ay ku leeyahay magaalada Muqdisho, Ismaaciil Aydil oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa ka hadlay masharuuca dayactirka waddooyinka Muqdisho ee ay wadaan hay’adaha Turkiga.

Tan iyo sannadkii hore ayay hay’adaha dalka Turkigu Muqdisho ka wadeen dayactir ay ku sameynayaan waddooyinka laamiyada ah ee Muqdisho oo aad u burbursanaa, waxaana tani ay rajo weyn gelisay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan dooneynaa inay Muqdisho u ekaato caasimadaha dalalka horay u maray. Waxaan dhisnay waddooyin dhirirkoodu gaarayo 23-km oo labo dhinac ah, iyadoo loo isticmaalay 33,000 oo tan oo shub ah iyo 15,000 oo tan oo laami ah, 2,500 oo tan oo jay ah. Qorshaha waddooyinkan oo loogu talo-galay in la dhameystiro bishii Ogoosto ee sannadkii hore 2013-ka dib ayay uga dhacday waxana la dhameystiri doonaa bisha Ogoosto ee sannadkan 2014-ka,” ayuu yiri Isma’il Aydil.

Sidoo kale, xoghayuhu wuxuu sheegay in dhaqaalaha lagu dhisayo oo gaaraya 33-Milyan oo doollar ay bixinayso dowladda Turkiga, lacagtaas 23-Milyan oo ka mid ah waxaa lagu iibiyay alaabo laga gaday gudaha Soomaaliya sida shamiito, dhagax, carro, shidaal, biyo, mushaar shaqaale IWM, taas micnaheedu waa in shaqo loo abuuro dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay sidoo kale dhiseen marshi-biyeedyada hareeraha waddooyinka mara, kuwaasoo dhirirkoodu dhan yahay 23-km oo isugu jira sii socod iyo soo socod, isagoo xusay inay dhinac socdeen nalalka ku shaqeeya cad-ceedda oo la gelinayo inta badan waddooyinka Muqdisho kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 700 oo xabo.

“Waxyaabaha aan ku shaqeynaynay sida jayga ayaan qayb ka mid ah ka keennay dibadda, waayo jayga Soomaaliya ma ahan mid adag, taas ayaana nagu qasabtay inaan jaaygan adag dalkeenna ka keenno, balse jayga aan ka iibinnay Soomaaliya ayaa aad u badan, waxaana qarashka lagu soo iibiyay jaygan si gaar ah u bixisay dowladda Turkiga,” ayuu yiri Ismaaciil oo la weydiiyay su’aal ahayd inay jayga ay ku dhisayaan waddooyinka qaarkiis ay dibadda ka keeneen.

Ugu dambeyn, mas’uulkan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo shacabka ku nool Muqdisho inay qayb ka qaataan howlsha dib loogu dhisayo Muqdisho si ay uga mid noqoto caasimadaha bilicda leh ee caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya