4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2014
Ahlusunna oo diidday inay ka Qayb-gasho Howlgallo ka billowday Galguduud

Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa diiday inay ka qayb-qaataan howlgallo ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee dalka Itoobiya ka socda ay ka billaabeen gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ahlusunna, Sheekh Ibrahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa sheegay inay go’aansadeen inaysan ka qaybgelin howlgallada ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ka billaabeen gobolka Galguduud, kaasoo ah mid ku wajahan Ceelbuur oo ay ka taliso Al-shabaab.

“Innagu qayb kama nihin howlgallada ka billowday gobolka Galguduud, go’naakana waxaa sababay fulin la’aanta dowladda Soomaaliay ay fulin wayday heshiisyo aan horay ula galnay, kuwaasoo ku saabsanaa ciidamada Ahlusunna,” ayuu yiri Shiikh Ibraahim Guureye oo wareysi siiyay VOA-da isagoo ku sugan Muqdisho.

Wariye la socda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku wajahan degmada Ceelbuur ayaa isaguna VOA-da u sheegay in ciidamada howlgalka wada aysan ku jirin kuwa Ahlusunna, ayna yihiin kuwa dowladda iyo AMISOM oo keliya.

Ahlusunna oo xiriir uu kala dhexeeyo dowladda Somalia ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay diiddo inay ka qaybgasho howlgallo ka socda gobolka Galguduud.

“Innaga ayaa si gooni ah ula dagaalamayna Al-shabaab, balse xilligan go’aan ayaan ku gaarnay inaanan ka qaybgelin dagaalka,” ayuu hadalkiisa ku daray Guureeye oo intaas ku daray inay wadaan qorshe ay ku dhisanayaan maamul iyaga u gaar ah.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu fashilmeen wadahadallo ay degmada Dhuusomareeb ku yeesheen wafdi wasiirro ah oo ka socday dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Ahlusunna, iyadoo arrinta la isugu mari waayay ay ahayd magaca ay qaadanayaan ciidamada Ahlusunna ee Galguduud ku sugan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya