4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2014
Dabley Weerar Khasaare Geystay ku Qaaday Kaniisad ku Taalla Mombassa


Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Labo ruux oo hubeysan ayaa maanta weeraray Kaniisad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo ay dhinteen laba qof oo, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii dableydu ay rasaas ku fureen kaniisadda gudaheeda.

Goobjooge ayaa sheegay in labada ruux ee weeraray kaniisadda ay ku hadlayeen luuqad shisheeye, iyadoo dadkii kaniisadda ku jiray ay kala carareen markii ay ku billaabatay rasaasta.

“Labada nin waxay wateen qoryo culus, waxayna rasaasta u fureen dhinac walba. Waxaan ku dhacay dhulka, waxaana maqlayay dhawaqa rasaasta,” ayuu yiri Lilian Omondi oo ka mid ahaa dadkii kaniisadda ku jiray.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya oo ka mid ahaa dadkii kaniisadda ku jiray oo ka badbaaday weerarka ayaa saxaafadda u sheegay in markii ay rasaastu joogsatay uu dibadda u soo baxay uuna arkay dad badan oo dhaawac qaba.

“Waan arkay labada ruux, midkood wuu dheeraa, wuxuuna xirnaa surweel madow iyo shaati hurdi ah, waxayna rasaas ku billaabeen kaniisadda aniguna bannaanka ayaan ku sugnaa,” ayuu yiri goobjooge lagu magacaabo Peter Muasya oo isaguna la hadlay warbaahinta.

Raggan hubeysan ayaa waxay isku dayeen inay weeraraan kaniisad kale, laakiinse way ku fashilmeen kaddib markii ay iska-horyimaadeen ciidan booliis ah oo gaari watay.

Kaniisadda ayaa waxaa ku dhintay laba qof, iyadoo labadii qof ee kalena ay goor-dambe ku geeriyoodeen isbitaalka, kaddib dhaawacyo halis ah oo soo gaaray, sida ay sheegtay hay’adda bisha cas ee dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa weerarkii maanta dhacay ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab, isagoo xusay inay baarayaan kooxihii weerarka ka dambeeyay.

Al-shabaab ayaa horay weerarro uga geysatay Kenya, kuwaasoo uu ka mid ahaa kii ay ku qaadday dhismaha ganacsiga Westgate Mall oo ku yaalla Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya