4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2014
Guddi sheegay inay billaabeen dhismaha Maktabadda Qaranka (SAWIRRO)


Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Guddida Dhismaha Maktabadda Qaranka ee Hargeysa laga dhisayo, ayaa ka warbixisay bilow samaynta maktabaddda qaranka ee Hargeysi mustaqbalka yeelan doonto.

Guddidan ayaa sheegay inay bilaabeen dhismihii maktabadda, isla markaana ay deyrkii u horeeyey u sameyeen dhulkii uu madaxweynuhu u asteeyey in laga dhiso maktabadan qaran oo markii ugu horeysay dalku yeesho.

Waxaana munaasibada daahfurka bilowga dhismahan goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr:Sacad Cali Shire, gudoomiyaha Edna Hospital Adna Aadan, ku simaha gudoomiyaha maktabadda Ismaaciil Maxamed Dhoole yare, Gudoomiyaha jaamacadda Beder Mubaarak Ibraahim Aar iyo xubno kale oo ka tirsan guddigaasi.

“Waxaan u mahad naqayaa madaxweynaha oo taageero mug leh oo buuxda siiyey fikirkan maktabada qaranka dhagax dhigayna, waxa kale oo aan u mahad celinaya wasiiro ka tirsan xukuumada oo gacan buuxda naga siiyey sidii uu fikirkani u hirgeli lahaa, waxa kale oo aan u mahad celinayaa jaaliyadaha ilaa haatan ka qayb galay sida jaaliyada Sucuudiga iyo Jaaliyada Qadar, waxyaalaha lagu qiyaaso meelaha ay umadu ka taagan tahay aqoonta waxa ka mid ah maktabadaha”ayuu yidhi wasiirka Qorsheynta Sacad Cali Shire.

Waxaanu intas ku daray “Waana nasiib daro inaynaan lahayn maktabad Qaran, maantana qaybtii ugu horaysay ee dhismaha ayaa gabagabo ah, hawsha maktabadaas taalaana waa mid qaran waxaanan muwaadiniinta leeyahay ka soo  qayb qaata dhismaha maktabadaas.”

“Illaahay ayeynu uga mahad naqaynaa inaynu maanta yeelano xarunta buugaagta ee Somaliland oo dhalinyaradu ay wax ka bartaan, waxna ku akhristaan oo ay isku waydaarsadaan afkaarta si ay uga baxaan waxyaalaha kale ee wakhtigooda luminaya, aadna waan u bogaadinayaa sida aynu ugu diyaar garawnay inaynu ka wada qayb qaadano dhismaha maktabadaas,.”ayey tidhi Samsam Cabdi Aadan, wasiirka Waxbarashadda.

Dr. Adna Aadan Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Cisbitaalka  Hooyadda iyo dhalaanka ee (Edna Hospital) ayaa soo dhoweysay bilowga samaynta maktabadda Qaran ee Somaliland yeelato, taas oo ay hindisiyeeen dhalinyaro reer Somaliland ah.  

“Maanta waa maalin qiimo badan ila leh sababtoo ah waxaan joogaa meel loogu talllo galay in aqoonta ummadda kor loogu qaado,waynu ognahay wadankeena halka aynu ka soo qaadnay, dhibaatadii aynu u soo marnay kana bixi mayno dhibaatadaas hadaynaan kordhin aqoonta dadkeena, isku filaansho aqooneedna waxa lagu gaadhi karaa in la helo goob laga helo aqoontii la raadsanayey, waanan ku hambalyeynayaa dadkii hindisay qorshahan, waxaanan ka codsanayaa dadka u dhashay Somaliland iyo aduunweynaha in gacan mug leh laga gaysto dhismaha maktabadaas.”ayey tidhi Adna Aadan.

Guddoomiye ku xigeenka ururka SamtoTalis Ahna gudoomiyaha Maktabada Hargeysa Ismaaciil Maxamed Axmed, ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaabantay dhismihii maktabadda qaranka oo muddo qaadhaan ururinteedda lagu jiray.

“Kulankani waxa uu la xidhiidhaa inaanu shaacino si toos loo bilaabay Maktabadii Qaranka Somaliland, waxaanan u mahad naqayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay sidii loo bilaabi lahaa dhismaha maktabada, waxaanan si gaar ah ugu mahad naqayaa madaxweynaha iyo wasiirka waxbarashada oo si weyn uga shaqeeyey  inay maktabadani noqoto mid qaran oo ay muhiimad gaar ah siiyaan waxbarashada, waan rugtii lagu kaydin lahaa aqoonta iyo dhaqanka.”ayuu yidhi Ismaaciil Maxamed Aadan.

Guddoomiyaha jaamacada Beder Mubaarig  Ibraahin Aar oo isna halkaasi ka hadlayey waxa yidhi “waxa si toos ah loo dhamaystiray dayrkii uu yeelanayey maktabada qaranka Somaliland, maktabadaas oo noqon doonta mid qaran oo loogu tallagalay inay ka faa’iidaystaan guud ahaanba shacabka Somaliland ayaa waxa nasiib u helay inay ka qayb qaadataan hir gelinteeda  xukuumada haatan jirta, maktabadan oo ay soo abaabuleen kana qayb qaateen ururka SamoTalis ururkaas oo kaashanaya dhamaan hay’addaha kala duwan ee xukuumada Somaliland.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland