4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2014
Shirka Wasiirro Arrimo Dibadeedyada Dalalka Carabta oo ka furmaya Kuwait

Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa lagu wadaa in uu Soomaaliya u matalo shirka wasiirada arimaha dibadda ee dowladaha ka tirsan jaamacadda carabta ,kaasi oo lagu wado in uu maanta ka furmo caasimadda Kuweyt.

Madax sare oo ka tirsan Kuwayt iyo diblumaasiyin Soomaaliyeed ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay markii uu shalay halkaas gaaray, waxaana intii uu joogay uu kulamo kala duwan la yeeshay madax sare oo dowladdaas ka tirsan

"Socdaalka aan halkan ku imid waxa uu la xiriiraa sidii aan uga qayb-gali lahaa shirka halkan ka furmaya, waana filayaa in masuuliyiin kale aan halkan kuwada kulanno"ayuu yiri wasiirka oo war kooban siiyay warbahinta markii uu halkaa tagay.

Waxaa shirka marka uu furmo looga wada hadli doono arimo ay ka mid yihiin colaadaha ka jira wadamada qaar ee uu ku jira jaamacadda Carabta ,iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono wadamada Suuriya, Masar iyo Libya.

Sidoo kale warar hor dhac ayaa sheegaya in shirka taageero loogu yaboohi doono wadamo ay Soomaaliya ku jirto si looga taageero arimaha amniga iyo dib u dhiska ,iyadoo xilligan degmooyin badan laga saaray kooxda Al-shabaab oo ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda hada jirta.

Ugu danbaynti asbuuca danbe ayaa lagu wadaa in dalka Kuwayt uu ka furmo shir madaxeedka guud ee dalalka jaamacadda Carabta oo isna arimo badan lagu fala-qayn doono ,waxaana dowladaha ka soo qayb-galaya horyaalla in ay xaliyaan caqabada badan oo iminka ka jira dalalka Carabta.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]