4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2014
Dibad-bax Rabshado wata iyo Iska-horimaad Maanta ka dhacay Baydhabo


Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Dibadbax rabshado wata iyo is-rasaaseyn u dhexeysay taageerayaasha xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Madoobe Nuunoow oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka dhacay maanta gudaha degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinayay erayo ay kaga soo horjeedaan inuu yiimaado magaalada Baydhabo xildhibaan Shariif Xasan oo hormuud u ah shir lagu dhisayo maamul ka kooban saddex gobol oo ka socda Baydhabo.

Wariyaha HOL ee Baydhabo ayaa sheegay in bannaanbaxayaashu ay waddoooyinka ku gubeen shaagagga gaadiidka, iyadoo taasi ay carqalad ku keentay habkii loosoo dhaweyn lahaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Shariif Xasan oo haatan ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Iska-horimaadka oo socday muddo nus saac ah ayaan la sheegin in wax khasaare ah uusan ka dhalan, kaasoo si iskiis ah u joogsaday, waxaana wararku ay intaa ku darayaan in ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ay u yeereen saraakiishii kala hoggaaminayay ciidamadii iska-horimaadku dhexmaray.

Xaaladda Baydhabo ayaa haatan kacsan, iyadoo Shariif Xasna iyo wafdigii la socday ay haatan ku sugan yihiin hoyga uu Baydhabo ka daggan yahay, iyadoo aan qiyaasi karin sida uu xaalku isku bedeli doono.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa dhowrkii bilood ee aynu soo dhaafnay ka socday shirar iska soo horjeeda oo ay kala hoggaaminayeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka iyo kuwa ku dhow-dhow.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan diidday mid ka mid ah shirkaas oo lagu dhisay maamul ka kooban lix gobol, kaasoo ay dowladdu ku sheegtay inuusan ahayn mid waafqsan dastuurka dalka iyo nidaamka dhismaha maamullada gobollada, waxaana guddiga dhismaha maamulka lixda bilood ay iska diideen hadalka dowladda kasoo yeeray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya