4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2014
Al-shabaab oo weerartay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose

Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa maanta weerartay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose oo shalay ay kala wareegeen gacan ku haynteeda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Afar qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday madaafiic ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Qoryooley, kuwaasoo ka koobnaa laba qoys oo ay madafiicdu ku dhacday guryahooda. Lamana oga khasaaraha labada dhinac ee dagaalamayay soo gaaray.

Dagaalkan ayaa socday muddo kooban; iyadoo ciidamada AMISOM oo wata gaadiid ay ka mid yihiin taangiyada culus ayaa dagaalka ka qaybqaadanayay, iyadoo qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ay ku tilmaameen dagaalka mid arbushaad ah.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Qoryooley ayaa isaguna xusay in dagaalku uu ahaa mid ay Al-shabaab ku doonaysay inay ku carqaldeyso amniga magaalada Qoryooley, balse ay ka hor-tageen.

“Kalsooni aad wanaagsan ayaan ku qabnaa inaan ammaanka degmada adkeynno” ayuu yiri taliyaha, isagoo ka jawaabay su’aal kale oo ahayd kalsoonida ay ciidanka dowladda Soomaaliya ku qabaan ayaa sheegay inay wanaagsan tahay, balse aysan lahayn muuqaal askareed.

Sarkaalkan AMISOM u hadlay wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Somalia ay ku kalsooni, inkastoo uusan sheegay inaysan lahayn muuqaal wanaagsan oo askareed, haddana wuxuu xusay inay nagala soo duuleen meelo fog-fog, dagaallo adagna ay lasoo galeen.

Weerarkan ayaa muujinaya inay degmada Qoryooley weli tahay goob dagaal uu ka jiro, inkastoo shalay ay dagaal culus ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen degmadaas dagaal culus oo ay la galeen Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan Qoyrooleey ayaa sheegaya in xaaladdu ay haatan daggan tahay; balse daafaha degmada ay weli ka maqlayaan rasaas iyo madaafiic culus oo dhacaysa. 

Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalka ay maanta ku qaadday Qoryooleey oo 120-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga aaddan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya