4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2014
Maalinta Biyaha Calaamka oo laga xusay Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)


Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay maalinta iyaha Dunida ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda biyaha iyo tamarta ay ku leedahay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Munaasabaddan oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, degmada, NGO's, hay’ado iyo dadweyne ayaa waxaa lagaga hadlay dhibaatada biya-xumo ee ka jirta magaalada Laascaanood iyo sida looga bixi karo.

Isku-duwaha wasaaradda biyaha iyo tamarta ee gobolka Sool, Inj. Axmed Xirsi Cartan (Callaacal) ayaa ka warbixiyay maalinta biyaha, isagoo sheegay in dhibaato dhinaca biyaha ah ay ka jirto degmada, balse ay rajeynayaan inay ka baxaan.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Sool, C/raxmaan Nuur Col-haye ayaa soo jeediyay in dadku u soo jeestaan sidii ay u qabsan lahaayeen biyaha cirka ka dhaca inta lagu daba-jiro kuwa dhulka hoostiisa laga soo saarayo.

Maxamed C/llaahi Faarax Cag-ma-dhige oo madax ka ah urur waddani ah oo inta badan deegaanada gobolku ka kooban yahay waxqabad dhinaca biyaha ka fuliyay ayaa ka warbixiyey dadaalka ay ugu jiraan isku filaansho dhinaca biyaha oo la gaaro.

Khadra C/llaahi Qalafow oo ka socotay hay'adda Norwegian Peaple's Aid (NPA) ayaa ayaa sheegtay inay deegaanno ka badan 10 ay ka qodeen ceelasha dhulka hoostiisa biyaha lagaga soo saaro, qaar kalena ay u qorshaysan yihiin.

Sidoo kalena ay baliyo iyo barkado ka sameeyeen deegaanno kala duwan, ayna hay'ad ahaan muhiimaddooda koowaad tahay sidii biyo lagu heli lahaa, ayna kusoo beegeen howshooda xilli ay gacanatso deegaanka ah oo iskaashaday wadaan sidii biyo la cabo ku yeelan lahayd magaalada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa haatan laga qodayaa ceelal saddex ah oo qaarkood lagu guuldarreystay qaarna weli gacanta lagu hayo lana sugayo in lagu guuleysto iyo in kale bishan.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool