4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2014
Xaaladda Qoryooley oo Maanta Deggen iyo Dagaal xalay ka dhacay Jannaale


Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Xaaladda degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta daggan, iyadoo dadkii degmadaas ku noolaa ay intooda badan dibadda uga maqan yihiin.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooley ayaa saxaafadda u sheegay in xaaladdu ay saakay tahay mid daggan, ayna degmada ku sugan ciidamada huwanta, xoogaggii Al-shabaabna ay ku sugan yihiin daafaha degmada.

Weerarkii shalay lagu qabsaday degmada Qoryooley ayaa waxaa ku dhintay dad rayid ah, iyadoo la sheegay in guryo ku yaalla degmada ay gubteen, kaddib markii ay madaafiic ku dhacday.

Qoys ka koobnaa afar qof ayaa waxaa ka badbaaday hooyadii, kaddib madfac ku dhacay gurigooda oo ay gabbaad ka dhiganayeen, waxaana qoyskan ay ka mid ahaayeen dadkii aadka u yaraa ee ku haray degmada.

Dhinaca kale, dagaal culus ayaa xalay ka dhacay deegaanka Jannaale oo ahayd goobtii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM duullaankii ay ku qabsadeen degmada Qoryooley.

Weerar ay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaanka Jannaale ayuu dagaalku ka billowday, kaas oo socday muddo saacad ka badan, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Xaaladda deegaanka Janaale ayaa saaka dagan, iyadoo aysan jirin wax baaritaanno ah oo degmadaas ay kawadaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo saldhigyo ku leh deegaankaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya