4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2014
AMISOM: “Qoryooley Waa Degmadii Sideedaad oo Al-shabaab laga qabsado”

Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay in howlgal saaka aroortii ay si wadarji ah u qaadeen ciidanka dowladda Somalia iyo AMISOM looga qabsaday Al-shabaab degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose.

Degmada oo 120-km Koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho ayay sheegtay AMISOM inay Al-shabaab maamulaysay shantii sano ee lasoo dhaafay, balse maanta ay ka mid noqotay degmooyin dhowr ah oo tan iyo bishii lasoo dhaafay laga qabsaday Al-shabaab.

“Howlgalkan wuxuu hordhac u yahay qorshe lagu doonayo in kooxda Al-shabaab looga saaro degmada xeebta ku taalla ee Baraawe, taasoo ka mid ah degmooyinka ay gobolka Shabeellada Hoose kaga sugan yihiin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka AMISOM.

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa ku sheegay  warsaxaafadeedka inuu uga hambalyeynayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM qabsashada ay qabsadeen degmada Qoryooley, isagoo intaas ku daray in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa ka go’an AMISOM inay sii waddo howlgallada lagu soo celinayo nabadda iyo kala-dambeynta Soomaaliya, si shacabku ay u helaan xorriyad ay ku noolaadaan,” ayuu yiri danjire Anaadiif.

AMISOM ayaa sheegtay in degmada Qoryooley ay ka mid noqonayso siddeed degmo oo Al-shabaab looga qabsaday howlgallo ka socda gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya .

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in tan iyo markii ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay meel-mariyeen in tirade ciidanka AMISOM laga dhigo 22,000 oo askari, ay ciidamadu billaabeen inay Al-shabaab ka saaraan deegaanno badan oo ay ka talinayeen, si dowladda Somalia ay awood ugu hesho inay deegaannadaas ka hirgeliso sharci, maamullo iyo cadaalad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya