4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2014
Madaxweyne Gaas oo Boosaaso si weyn loogu soo dhoweeyey(SAWIRRO)

Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) - Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo weli ku jira booqashadiisii ugu horreysey ee uu ku marayo qaar kamid ah gobollada Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wefdiga madaxweynaha oo ay wasiirro ku jiraan ayaa kahor imaatinkooda magaalada Boosaaso waxay kusoo hakadeen degmada Waaciye ee gobolka Karkaar iyo degmada Carmo e gobolka Karkaar.

Wuxuuna halkaas kula soo kulmay maamullada iyo bulshooyinka ku dhaqan labadaas degmo isagoo u ballan qaaday in dowladdu ay il gaar ah ku eegi doonto islamarkaana ay dadaal badan ku bixin doonto sidii cabashooyinkooda looga jawaabi lahaa mashaariic horumarineed oo badanna looga hirgelin lahaa.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Intaas kaddib waxay Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisu usoo ruuqaansadeen dhanka magaalada Boosaaso. Maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo kumannaan dadweyne ah ayaa wafdiga kaga hortegey meel magaalada Boosaaso 10km koonfurta kaga beegan.

Madaxweyne Gaas oo si kooban warbaahinta ugula hadlay aqalka madaxtooyada waxyar kaddib markii uu magaalada Boosaaso  soo gaaray, ayaa sheegay in muddo dhowr maalmood ah uu magaalada Boosaaso sii joogi doono islamarkaana uu la kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kasoo bilowday magaalada Garoowe, wuxuuna soo maray degmooyin ay kamid yihiin Dangorayo, Qardho, Rako, Waaciye iyo Carmo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya