4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2014
Ra’iisul wasaaraha oo xalay la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee Switzerland


Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa xalay magaalada Geneva kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland, wuxuuna uga warbixiyay booqashada uu ku joogo Switzerland iyo howl-gallada ay dowladdu ku baacsanayso Al-shabaab oo dhibaato ku hayaan sida uu yiri dadka iyo dalka.

Kulanka waxaa ku wehlinayay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva, Yuusuf Bari-Bari. C/weli Sheekh ayaa uga mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed sida ay ugu muujiyeen taageerada ay u hayaan dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Guul ayay noogu dhammaatay socdaalka shaqo ee aan ku joogno Switzerland oo aan uga qayb-galnay shirweynaha ururka caalamiga ah ee shaqada ILO iyo kulamo aan la yeelanay guddiga sare ee maamulka, waxaan kala hadalnay sidii Soomaaliya loogala shaqeyn lahaa barnaamijka hab-wanaaga shaqada. Waxaa kaloo kulammo la qaadannay wasiirka arrimaha dibadda ee Switzerland oo waxyaabaha aan kala hadalnay ay ka mid tahay sidii qurba-joogta dalkan looga taageeri lahaa inay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sidoo kale jaaliyadda uga warbixiyay howl-gallada looga horjeedo Al-shabaab oo dhibaato ku haya diinta, dhaqanka Soomaaliyeed iyo inay bulshado ku talaabsato horumarrada kala duwan ee bani’aadamku u baahan yahay.

”Magaalooyin badan ayaan ka saarnay Al-shabaab, waxaa naga go’an inaan soo af-jarno dhibaatada ay ku hayaan ummadda Soomaaliyeed. Waxaan idiin xaqiijinayaa in dalku uu ku socdo dariiqii saxda ahaa, lagana gudbi doono caqabadaha yar-yar ee na haysta. Xukuumaddu waxay aad ugu howlan tahay in hay’adaha dowladda la dhamaystiro si ay u sahlanaato in adeegyada bulshada la gaaraan shacabka,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tacsi u diray ehellada, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Shariif Saalax Maxamed oo xanuun hayay ugu geeriyooday Muqdisho.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxaan halkan tacsi uga dirayaa shacabka iyo qoyskii uu ka geeriyooday Shariif Saalax. Marxuumku wuxuu si wanaagsan ugu soo shaqeeyay dalkiisa xilliyo kala duwan. Wuxuuna kaalin ku lahaa qorista farta Soomaaliga. Sidoo kale wuxuu danaha Qaranka u fadhiyay dalal badan isagoo safiir ah, Ilaahay haka waraabiyo jannadiisa fardowsa, annagana samir iyo iimaan Allaha naga siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya