4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2014
Dhismaha waddo laami ah oo laga billaabay degmada Beledweyne+SAWIRRO


Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha wado laami ah oo laga bilaabay bartamaha degmada Beledweyne taa oo dheerarkeedu noqonayo illaa 160-mt.

Guddoomiye ku-xigeeenka dhinaca maaliyada maamulka degmada Beledweyne, Bashiir Xusseen Dhoore oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dhismaha waddadan laamiga ah ay iska kaashadeen maamulka gobolka iyo dowladda Britain oo sida uu sheegay bixineysa dhaqaallaha ku baxaya dhismaha wadada.

''Waan uga mahad celineynaa dowladda Britain oo aqbashay codsigii aynu u gudbinay, wadadan waxaa ay noqon doontaa mid tijaabo ah oo dheerarkeedu gaarayo illaa 160-mt, oo haddii lagu guuleysto sahli doonta in sidaa oo kale wado laami ah loo saaro jidadka kale ee magaalada,'' ayuu yiri Bashiir Xusseen Dhoore.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale mudada dhismaha uu socdo ay ka faa'iideysan doonaan dadka muruq-maalka ah ee ku dhaqan magaalada oo ka howlgali doona dhismaha wadada si ay nolal maalmeedkooda uga soo saartaan.

Mashuurcan ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan magalada gaar ahaan gadiidleyda oo dhibaato weyn ku qabay bur burka wadada oo laga soo bilaabo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee dalka aan wax dayactir ah helin.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya