4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2014
Madaxweynaha Somalia: Waxaa la joogaa xilligii Wax-qabadka (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay kal-fadhigii afaraad ee baarlamaanka, isla markaana ka jeediyay khudbad uu kaga dalbaday xildhibaannada in loo baahan yahay in caqabadaha jira si midnimo iyo wadajir leh looga gudbo.

“Waxaan idin kugu hambalyeynayaa inuu kal-fadhigii afaraad uumaanta si rasmi ah idiin kugu furmayo. Waxaa la joogaa waqtigii wax-qabadka. Sannadkan 2014-ka waxaan na horyaalla dib-u-eegista dastuurka, dhaqan-gelinta federaalka iyo billaabidda nidaamka dimoqraadiyadda, si aanu gaarno ujeeddooyinkaas waa inaan hir-gelinno doorasho ka dhacda dalka 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada siiyay warbixin la xiriirta howlgallada ciidan ee Al-shabaab lagula jiro, isagoo sheegay in baacsiga Al-shabaab ay keeni karto khatar loona baahan yahay inaan dalka ka sifeyno.

“Maalin walba waxaan ka saarnaa Al-shabaab goobo muhiim ah oo shacabku ay ku heleen neecaw nabadeed. Waxaana billownay gar-gaar bani’aadanimo oo muhiim u ah shacabka iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo ah in gar-gaar lala gaaro dadka ku nool deegaannada la xoreeyo, maamulo KMG ah loo sameeyo, in laga hir-geliyo hay’adaha amniga iyo garsoorka, maamul-wanaag iyo adeegyada bulshada si dadka deegaannadaas ku nool ay uga tashadaan aayahooda,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wuxuu intaas ku daray: “Dib-u-habeynta maamulka iyo maareynta maaliyaddu si habsami leh ayay u socdaan. Hanti dhowrka Qaranka iyo xisaabiyaha guud ayaan magacownay oo ku yimid nidaam cad-cad oo tartan furan ah oo uu naga teegeeray World Bank. Golaha wasiirradu waxay dhawaan ansixiyeen sharicigii canshuuraha oo baarlamaanka loosoo gudbiyay kaasoo wax ka tari doona kobcinta dhaqaalaha dalka, si aan uga maaranno kaalmada shisheeyo oo aan isugu tashano dhaqaale ahaan.”

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in golaha wasiirada iyo baarlamaanku ay si wadajir ah uga wada-shaqeeyaan howlaha muhiimka noo wada ah.

“Caqabado fara badan baa jira oo looga baahan yahay wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan hay’adaha dastuuriga, waxaa loo baahan yahay dulqaad, is-faham iyo tanaasul oo lama huraan u ah siyaasadda dalka. Waxaana idinka codsanayaa inaan dhammaanteen kawada shaqeyno danta guud iyo maslaxadda Qaranka,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbadiisa.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in lala yimaado wax-qabad, isla xisaabtan iyo horumar ballaaran si loo hir-geliyo qorshaha dowladda oo ah in doorashooyin la qabto sanadka 2016.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray furitaanka kal-fadhiga afaraad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday xukuumadda inay soo gudbiso qorsho howleedyadeeda ay ku shaqeynayso sannadaha soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya