4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2014
Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM oo la wareegay degmada Qoryooley

Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose oo sannadihii ugu dambeeyay ay maamulaysay Al-shabaab.

Dagaal culus oo dhacay kaddib ayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM waxaa u suuro-gashay in ay la wareegaan degmadaas, inkastoo weli gudaha degmadaas laga maqlayo rasaas mararka qaarkood dhacaysa.

“Waxaa degmada soo galay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan taangiyo,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadka degmadaas ku nool oo magaceeda sababo ammaan u qarisay.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalkii Qoryooley lagu qabsaday maanta ka dhashay, balse saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka ayaa sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan khasaaraha.

Sidoo kale, wariyeyaal isugu jira Soomaali iyo ajnabi oo la socda ciidanka huwanta ah ee Qoryooleey la wareegay ayaa sheegaya inaysan weli arkin dhimashada labada dhinac ee dagaalamaya, xaaladduna ay tahay mid dagaal.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku socdeen laba waddo ayaa saaka aroortii hore weerar ku qaaday degmada Qoryooley, waxaase hadda gudaha u galay Qoryooleey ciidamadii kasoo dhaqaaqay degmada Jannaale, kuwii kalena dibadda ayay weli ku sugan yihiin,” ayuu yiri wariyaha BBC-da, Macallimuu oo ka mid ah wariyeyaasha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la socda.

Wariyaha ayaa hadalkiisa raaciyay in mararka qaarkood ay rasaas ka dhacayso gudaha degmada, isagoo intaas ku daray in xaaladdu ay haatan tahay xaalad dagaal oo aad u kacsan.

Taliska AMISOM oo ka hadlay qabshada degmada Qoryooley ayaa iyaguna sheegay in degmadan ay noqonayso tii siddeedaad oo ay ciidamadooda iyo kuwa dowaldda Somalia ay ka qabsadaan Al-shabaab, afartii toddobaad ee ugu dambeeyay.

Al-shabaab ayaa weli ka hadlin dagaalka looga qabsaday degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli madaxda dowladda Soomaaliya ay ku cel-celinayeen inay sannadkan 2014-ka soo af-jarayaan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya