4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2014
Malaayiin Somali ah oo la sheegay inaysan haysan biyo nadiif ah oo la cabo

Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) — Laba hay’adood oo kuwa gargaarka ah ayaa sheegay Jimcihii shalay in malaayiin qof oo Soomaali ah aysan haysan biyo cabaan oo nadiif ah, sidoo kalena aysan jirin dayactir ceelasha biyaha lagu sameeyo.

Warsaxaafadeed ay hay’adahan oo kala ah: OXFAM iyo HIJRA ayna uga talogaleen Maalinta Biyaha Adduunka oo maanta ku beegan ayaa waxay ku sheegeen in 30% shacabka Soomaaliyeed ay heli karaan biyo nadiif ah oo ay cabaan.

Madaxa Oxfam ee Soomaaliya, Enzo Vecchio ayaa beesha calaamka ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed laga caawiyo sidii ay ku heli lahaayeen biyo nadiif ah oo ay cabaan, iyadoo warsaxaafadeedka hay’adahan lagu sheegay in dad badan ay uga barakaceen deegaannadoodii biyo la’aan soo wajahday.

“Bulshooyinka gargaarka bixiya waxaan u sheegaynaa in loo baahan yahay lacag si biyo nadiif ah loo gaarsiiyo barakacayaasha ku nool kaamamka Muqdisho ku yaalla,” ayuu yiri, Vecchio. Isagoo intaas ku daray inay Muqdisho ku sugan yihiin dad badan oo biyo u baahan.

Hay’adahan ayaa sheegay in malaayiinka qof ee Soomaalida ah ee u baahan inay helaan biyaha nadiifka ah ay intooda badan ku nool yihiin deegaannada magaalooyinka ka fog-fog , halka qaar kalena ay ku nool yihiin magaalooyinka.

“Dhammaan dadka Soomaaliyeed waa loo heli karaa biyo nadiif ah, laakiin nasiib-darro taasi waa mid ka fog runta Soomaaliya,” ayuu yiri madaxa hay’adda HIJRA, Daa’uud Raaxooy. Sidoo kale, sarkaalkan wuxuu sheegay in khatarta ugu badan ee cudurrada ka dhasha biyaha ay saameyn xooggan ku yeeshaan carruurta iyo haweenka.

Sidoo kale, hay’adahan ayaa warbixintooda ku sheegay in tan iyo 20-kii Jannaayo ee sannadkan lagu arkay 216-qof kiisaska cudurka shuban-biyoodka, dadkaas oo ku noolaa deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Cudurrada shuban-biyoodka iyo daacuunka ayaa kumannaan qof oo Soomaali ah dilay intii u dhexeysay sannadihii 201-kii illaa 2012-kii oo abaaro macluul sababay ay ka dillaaceen Soomaaliya.

Warbixinta hay’adaha ayaa lagu xusay in biyo la’aanta sannadkan jirta ay keentay in dad badan oo ku nool deegaannada ka fog-fog magaalooyinka ay ku keeneen in qiimaha biyaha la cabo ay sare u kacaan, iyadoo tusaale loosoo qaatay deegaanka Tooratooroow oo waqooyi kaga beegan degmada Afgooye ay fuustadii biyaha ah ka marayso lix doollar, iyadoo tani ay aad  uga sarreyso qiimihii biyaha la siisan jiray laba bilood ka hor.

Ugu dambeyn, warbixinta Oxfam iyo HIJRA ayaa lagu sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadaan qaybinta biyaha, iyagoo xusay in 158,000 oo kaamamka Muqdisho ku nool ay siinayaan biyo nadiif ah oo ay cabaan.

Hy’adahan ayaa rabixintooda ku soo beegan iyadoo deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya looga barakacayo biyo la’aan, waxaana ka mid ah deegaanka Gerileey oo ka tirsan gobolka Gedo, kaasoo lasoo sheegayo in dadkii ku noolaa ay biyo la’aan uga barakaceen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya