4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2014
Ciidamada Dowladda iyo AMSIOM oo Saaka ku duulay Degmada Qoryooleey


Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is-bahaysanaya ayaa saaka aroortii duullaan ku qaaday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose oo ka mid ah degmooyinka ay maamusho Al-shabaab.

Ciidamada ayaa la sheegay inay laba jaho ka wareereen degmada, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay inay saacadaha soo socda gacanta ku dhigaan degmadaas oo Al-shabaab ay gudaheeda ka waddo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaannada ku dhow degmada Qoryooley oo ay sii mareen ciidamada ayaa sheegay in ciidamadu ay ahaayeen kuwo lugeynaya iyo kuwo wata gaadiidka dagaalka oo ay taangiyadu ku jireen.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada dowladda ayaan weli ka hadlin duullaanka ay ku qaadeen degmada Jowhar, iyadoo xaaladdu ay tahay mid kacsan, waxaana ay ciidamada duullaanka qaaday ay horay ugu sugnaayeen hareeraha degmada Qoryooleey.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duullaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose oo ka mid ah goobaha ay ku xooggan yihiin.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa qaybo ka maamula ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM ee caawinaya iyo qaybo ay maamusho Al-shabaab oo degmada Qoryooley ay ka mid tahay.

Duullaankan ay ciidamada huwanta ah saaka ku qaadeen degmada Qoryooley ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda dowladda Soomaaliya ay ku celcelinayeen dhawaan inay Al-shabaab ka saari doonaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka inta uusan sannadkan dhammaan.

Al-shabaab ayaa iyaduna dhawaan sheegtay inay dagaalka ay kula jirto ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM u kaashanayso beelaha ku nool deegaannada ay ka taliyaan, kaddib heshiisyo ay la gashay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya