4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2014
Taliye cusub oo loo Magacaabay Ciidamada Daraawiishta PL ee aagga Galgala
Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) —Taliye cusub ayaa loosoo magacaabay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan aagga tuulada Gal-gala, kaddib markii dhowaan la diley Kol. Jaamac Af-guduud oo taliye u ahaa ciidamada Daraawiishta ee deegaankaas ku sugan.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jen. Siciid Dheere ayaa u magacaabay Kol. Cabduqlaadir Xasan Cadde inuu noqdo taliyaha cusub ee ciidamada Daraawiishta ee fadhigoodu uu yahay buuraha Golis.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Jen. Siciid Dheere ayaa lagu sheegay in C/qaadir Xasan Cadde uu yahay nin karti badan khibrad dheerna uleh howsha loo dhiibay, islamarkaana la filayo in xilkaas uu si wanaagsan uga soo dhalaali doono.

Taliyaha cusub ee lasoo magacaabay ayaa horay usoo noqday taliyaha ciidamada ammaanka gobolka Mudug ee maamulka Puntland, wuxuuna beddeli doonaa Kol. Jaamac Siciid Warsame Af-guduud oo 17-kii bishan lagu diley duleedka magaalada Boosaaso.

Dilkiisa waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab oo fariisimo ciidan kuleh gobolka Bari, dhowr mar oo horena ay dagaallo xooggani dhex mareeen iyaga iyo ciidamada ammaanka ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland