4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2014
Madaxweynaha Puntland oo degmada Rako booqasho ku tegey (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) —Degmada Rako ee gobolka Karkaar waxaa booqday si weynna loogu soo dhoweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ay kamid yihiin : Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Maxamuud Alloore, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saadi Eenow, Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Wasiirka Garoommada iyo Duulista Hawada Xasan Xaaji Siciid Xasan.

Dadweyne boqollaal gaaraya oo ruxayey calammo iyo caleemo qoyan ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diirran usoo dhoweeyey. Madaxweynaha oo dadkii soo dhoweeyey la hadlayey ayaa sheegay in dowladdiisu ay xoogga saari doonto degmooyinka laamiga ka baxsan, maadaama badi dadka reer Puntland ay ku nool yihiin deegaanada jidka dheer ee laamiga ah ka durugsan.

"Dadka reer Puntland 80% waxay ku nool yihiin dhulka ka baxsan laamiga, waxaa ii qorsheysnayd in aan horey idiinku u imaado, niyadda ayaan idinku hayey, waxaadna tihiin magaaladii u horeysey ee laamiga ka baxsan oo aan booqdo...waxan doonayaa muddada aan wada joogno in aan wada tashano..." Madaxweyne Gaas oo goob fagaare ah kula hadlayey boqollaal kamid ah bulshada degmada Rako ayaa sidaas yiri.

Waa degmadii ugu horreysey ee laamiga ka durugsan ee Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu booqasho ku tago tan iyo markii xafiiska loo dhaariyey bishii Janaayo ee lasoo dhaafay.

Isla shalay gelinkii dambe ayey wafdiga Madaxweynuhu dib magaalada Qardho ugu soo laabteen, waxaana maanta oo Sabti ah lagu wadaa inay usoo ruuqaansadaan dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, islamarkaana ah magaalada ugu dadka badan Putland udub-dhexaadna ah u ah ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland.





Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland