4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2014
Ardayda Jaamacadda MU oo aqoon-is-weydaarsi loo qabtay(SAWIRRO)

Sabti, Maarso 22, 2014 (HOL) —Aqoon is-weydaarsi lagu baranayey hoggaanka wanaagsan iyo sida uu hoggaamiyaha suubani horumar ugu horseedi karo bulshada ayaa loo qabtay ardayda wax ka barta Jaamacadda Muqdisho, laanteeda magaalada Boosaaso.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa bixinayey Prof. C/raxmaan Axmed Sulub oo kamid ah aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee shahaadada sare ka haysta maamulka iyo hoggaaminta kana qalin jebiyey Jaamacadda Georgetown ee dalka Maraykanka iyo Prof. Siciid Cali Shire oo isaguna ah cilmi-baare iyo qoraa shahaadada PHD ka haysta maamulka iyo hoggaaminta.

Ugu horreyn waxaa aqoon-is-weydaarsiga furay Prof.  Aadan Axmed Xuseen (Xerow) oo ah hormuudka kambaska Jaamacadda Muqdisho ee magaalada Boosaaso, wuxuuna uga mahadceliyey labada aqoon-yahan sida ay waqtigooda ugu soo hureen bulshada isagoo dhinaca kale ardeyda ugu baaqay inay si fiican u weeleeyaan noloshoodana ku dabaqaan macluumaadka ay siminaarka ka faa'iideystaan.

Prof. C/raxmaan Axmed Sulub oo qaybta hore isagu ku qornaa ayaa ka sheekeeyey hogaaminta wanaagsan, tilmaamaha ay dadka hoggaamiyeyaasha ahi leeyihiin iyo weliba sida ay lagama maarmaan u tahay in madaxdu ay noqdaan kuwo aqoon fiican u leh hoggaaminta.

Tallaabooyin uu sheegay in qofku haddii uu raaco uu hormar ballaaran gaarayo ayuu goobta ka sheegay, tallaabooyinkaas oo barafasoorku uu kusoo koobay laba erey oo English ah mid kamid ahna uu dumarka si gaar ah ugu socodsiiyey labadaas erey oo kala ahaa: FOMB iyo GIRLS.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

FOMB: oo u taagan noqo kan ugu horreeya (be the frist), leh wax uu keligii gaar ku yahay (the only one), haysta waxa ugu badan (the most) uguna fiican (the best). Ereyga labaad ee ah GIRLS wuxuu si gaar ah ugu socdaa dumarka, wuxuuna u taagan yahay: Growth (kobci naftaada), Invest(maal geli oo qiime u yeel naftaada), Read(wax akhri oo aqoon kororso), Lead(hoggaami) and Succeed(oo kaddibna guuleyso).

Prof. Siciid Cali Shire ayaa isna sheegay in dadka qaar ay hibo u leeyihiin inay si fiican wax u hoggaamiyaan iyagoo aan hoggaaminta baran, wuxuu sidoo kale sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dadka madaxda noqonaya aan lagu qiimeyn sida ay u kala aqoon badan yihiin balse loo baahan yahay in lagu qiimeeyo sida ay u kala hoggaamin fiican yihiin.

Ugu dambeyntii waxay labada aqoon-yahan ka ka jawaabeen su'aalo ay ardaydu weydiiyeen, su'aalahaas oo badankoodu ku saabsanaa hoggaaminta, tilmaamaha hoggaamiyaha fiican, sababta ay Soomaaliya u degi la'dahay iyo weliba sida ugu habboon ee xal loogu heli karo dhibaatooyinka dalka ragaadiyey.

Aqoon isweydaarsigan ayaa qayb ka ahaa siminnaaro joogto ah oo Jaamacadda Muqdisho  ay sanad walba ardeyda wax ka barta u qabato, si kor loogu qaado garaadka ardayda islamarkaana looga dhigo kuwo awood uleh in ay darsaan dhibaatooyinka bulshada Soomaaliyeed ka dhex jira.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland