4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2014
Ra’iisul Wasaare C/weli oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Switzerland


Jimco, Maarso 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Geneva kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Switzerland, Yves Rossier, kulankaas ayaa ka dhacay xarunta dowladda federaalka Switzerland ee magaalada Berne.

Mudane C/weli Sheekh ayaa uga warbixiyay wasiirka howl-gallada ay dowladdu ku baacsanayso Al-shabaab, ayna dawladda Soomaaliya xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Waxaa kulanka ku wehlinayay ra’iisul wasaaraha, wakiilka Soomaaliya u fadhiya QM ee Geneva, danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari).

“Soomaaliya waxay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dowladeed. Soomaaliya waxay leedahay oo u shaqeynaya baarlamaan iyo xukuumad, waxaase weli jira caqabado badan oo laga gudbi doono,” ayuu C/weli Sheekh ka yiri kulanka.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayay ayaa yiri: “Waxaan dagaal kula jirnaa kooxaha nabadda kasoo horjeeda oo ay Al-shabaab ugu horreyso iyo fikirkooda. Waan ka guulaysan doonnaa kooxdaas bur-burinta ku haysa diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed, dhaqaalaha dalka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa intii uu socday lagu soo qaaday xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii Soomaaliya loogu taageeri lahaa waxay u baahan tahay. Iyadoo wasiirka arrimaha  dibadda Switzerland uu sheegay inay taageero ku bixinayaan xoojintya dhismaha dowladeed ee dalka. Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay dawladdiisu gacan ka geysan doonto arrimaha bani’aadanimo ee la gaarsiinayo goobihii dhawaan laga saaray Al-shabaab, isla markaana uu qorshaynayo inuu soo booqdo dalka Somalia dhawaan.

“Waxaan soo dhaweynayaa xiriirka labada dawladood iyo sida Switzerland ay uga go’an tahay inay uga qayb qaadato dib-u-dhiska Soomaalia, bishii hore ayay ahayd markii Switzerland ay dib u soo magacowday safiirka Switzerland ee Soomaaliya u fadhiya kaddib 30-sano, maantana waxaan kawada hadalnay sidii ay Switzerland u sii xoojin lahayd taageerada ay uga qayb-qaadanayso dib-u-dhiska dalka,” ayuu yiri Mudane C/weli Sheekh.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri: “Switzerland waxaa ku nool ku dhawaad 10,000 oo Soomaali ah, waxaana ku dhiirri-galineynaa inay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska dalkooda, isla markaana ay uga faa’iideeyaan wixii ay barteen. Xukuumaddu waxay dib-u-soo noolaynaysaa hay’adaha dowladda kaddib 23 sano oo bur-bur ah.”


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya