4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2014
Booliska Somaliland oo qabtay rag hub ku aasay xadka Somaliland & Itoobiya

Jimco, Maarso 21, 2014 (HOL) — Taliye ku xigeenka booliiska Somaliland, Cabdiraxmaan Faarax Liibaan (Fooxle) ayaa sheegay inay soo qabteen toddoba nin oo hub ay ku aaseen Xadka Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa oo doonayey inay kala baxaan.

Taliye ku xigeenk ayaa sheegay in maxaabiistan ay kala ahaayaan laba qaybood shan qofna iyagoo hub ay ku aaseen xadka kala baxayey la soo qabtay, saddex kalana isla maalin ka dib isla goobtii lagu soo qabtay, kuwaas oo uu ku jiray masuul ka tirsan degmadda Xarshin ee dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

“Dadkan ayaanu xadka ka soo qabanay waxay ahaayeen laba qaybood oo shan qof oo uu ku jiro nin ONLF iyo saddex kale oo o iyaguna aanu ka soo qabanay xadka Somaliland la leedahay Ethiopia.” Ayuu yidhi. Taliye Fooxle oo waraysi siiyey wargeyska Saxafi oo Hargeysa ka soo baxa.

Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi. “Maalin ayaa u dhaxaysay qabashadoodda. Markii aanu 3-nin qabanay ee aanu warkoodda helay ayaa la yidhi halkii aad raga hore ka qabateen nimanbaa joogga. Dabadeedna ciidanka ayaanu amaray oo soo qabtay.”

Mar uu ka hadlayay maayirka degmada Xarshin ee deegaanka Soomaalida Itoobiya oo isna lagu qabtay xadka Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya ayaa yidhi  “Horta, marka hore maayarku xadka ayuu ka soo gudbay oo dalka ayuu hore u soo galay. Maayarkaasi, Ciidanka Booliska ayaa ku soo qabtay isaga oo xadkeena soo galay.”

Taliyaha ayaa sheegay in masuulkaasi ka tirsana degmadda Xarshin uu ka baxsaday saldhiga booliska ee Hargeysa oo uu ku xidhnaa isagoo arirntaasi sababaynaaya waxa uu yidhi “ baxsashadanina waxaa weeye…aniga iyo taliyuhuba waxaanu hore amar ugu bixinay meel gudaha ah ayuu ku xidhnaa..Dabadeed xanuun baa lagu sheegay, markaa ka dibna dhakhtar ayaa la geeyay laba sadex jeer oo isku xigta…halkii aanu amarka ku bixinay in lagu xidho laguma xidhin.meel shabag ah oo dusha lagaga qufulo ayaa la keenay..sababo jiray oo caafimaad awgeed, ka dibna Doraad oo ay ciidamadu hawlgal badan ku jireen oo ay soo qabqabteen kooxo ciyaal ah oo kuwan is ereryada ee magaalada yaacyaaca ah..ayaa markii iyaga xabsiga la gelinayay ee la xaraynayay ee ay is daba yaacayeen ayaa la leeyahay wuu ka baxay meesha. Markaanu taliyihii qaybta iyo taliyihii saldhigaba waraysanay waxay noo sheegeen in uu ku baxay dadkaas baxayay oo uu dhex raacay”.

“Arrintan baxsashadiisuna baadhis ayay ku jirtaa oo waa la waddaa hadday noqoto dayacaad sida ay immika noogu muuqato ka timid ciidankii ilaalinayay oo aanu u aragno inay iyagu dayaceen. Hadday baadhistu markay dhamaato sidaas noqoto, markaas ayaa talis ahaan aanu masuuliyadda iyo waajibka na saaran ka gudanaynaa haddii ilaahay ka dhigo. Haddii ay Askarta ku cadaato iyagga ayaa maxkamada ah, waa intaas uun dhacdadan dhacday….” Ayuu yidhi.

Taliyaha ayaa sheegay in maxaabiistan qaar ka mid ahi doonayeen inay hub lagu aasay xadka kala baxaan, kuwaas oo uu sheegay inay dhinaca Itoobiya ka soo galiyeen Hubkaasi.

Taliyaha oo la waydiiyey inay ragan xidhiidh la leeyihiin Jabhadda ONLF ayaa sheegay in qoraalka ay ka qoreen ku xuseen inay ka tirsan yihiin ciidamadda ismaamulka soomaalidda Itoobiya.

“Nimankani waxay qoraalka aanu ka qoray ku sheegeen inay ka tirsan-yihiin ciidanka ama maamulka Xarshin… Markaa, fikirka aanu ka haysano halkan ka faahfaahin maayo ee marka ay baadhistu dhamaato ayaanu sheegi haddii Ilaahay ka dhigo…” Ayuu yidhi.

“600 oo xabo oo rasaasta AK-ga ah iyo kun BKM-ka rasaastiisa ah intaas ayay ahayd waxaa lagu qabtay…Waxaananu aaminsanahay in ay dalkooda is kala yimaadeen oo ay iyagu ujeedo ka lahaayeen. Laakiin, wax dalkeena uga tagay ama ka socday ma ay ahayn…laakiin, wixii ay saameyn leedahay waxaanu doonaynaa in aanu mar gaar ah ka wadda hadalo. Wax badan ayaa iska jira oo aad moodo in xidhiidhka lagu xumaynayo. wax Somaliland laga qaaday oo meesha lagu aasayna uma aragno. Laakiin, qorshahani in xidhiidhka wanaagsan lagu xumeeyo haddii ay tahay, anagu ciidan ahaan ka hawl-galay ee hubkii iyo ragiiba isku qabanay. Waxaananu u aragnaa in ujeedadii laga lahaa fashilantay oo la doonayay in cid loo geeyo oo la yidhaa halkan ayaa laga wadday. Si wanaagsan ayaanay ciidanku ugu guulaysteen.”ayuu raaciyey isagoo ka hadlayey ragan iyo hubka lagu soo qabtay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland