4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2014
Mid ka mid ah Qorayaashii Af Soomaaliga oo Maanta ku Geeriyooday Muqdisho


Jimco, Maarso 21, 2014 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Muqdisho  ku geeriyooday, Shariif Saalax Maxamed Cali oo ka mid ahaa qorayaashii afka Soomaaliga, kaddib xanuun uu maalmihii lasoo dhaafay ugu jiray isbitaal ku yaalla Muqdisho oo ay dowladda Turkigu gacanta ku hayso.

Marxuum Shariif Saalax ayaa ku geeriyooday 78-jir, wuxuuna ku dhashay sannadkii 1936-kii magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Wuxuuna ahaa guddoomiyihii guddigii  ay xukuumaddii milateriga ahayd u saartay qoraalka Afka Soomaaliga.

Isagoo ka hadlayay billowgii qoraalka afka Soomaaliga isagoo ka qaybgalayay kulan lagu xusayay qoraalka Afka Soomaaliga oo lagu qabtay dalka Jabuuti bishii December 2012-kii ayaa sheegay in dadaalka lagu doonayay in afka Soomaaliga la qoro uu soo billowday 1814-kii, uuna soo maray marxalado kala duwan, illaa markii lagu guuleystay in si rasmi ah loo qoro sanadkii 1972-kii.

Taariikhdii Marxuumka oo Kooban:

Rabbi naxariistii janno ha siiyeen, marxuum Shariif Saalax ayaa Shuruucda iyo Dhaqaalaha kusoo bartay magaalada Chenoa oo ku taalla waddanka Talyaaniga wuxuuna waxbarashada dhameystay sannadkii 1956-kii, isagoo noqday macallin.

Sidoo kale, marxuumka ayaa muddo kaddib wuxuu wax-barasho jaamacadeed mar kale u aaday dibadda, isagoo 1962-kii kasoo qalin-jabiyay jamacad ku taalla magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga, isagoo bartay siyaasadda.

Markii uu dalka kusoo laabtay ayaa wuxuu agaasime ka noqday wasaarado dhowr ah, sidoo kale wuxuu noqday guddoomiyaha guddigii qorista af Soomaaliya, isagoo sidoo kale noqday wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare. Waxaana loo magacaabay intii ay jirtay dowladdii hore ee Kacaanka danjiraha Soomaaliya u fadhiyay dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Shiinaha.

Madaxa hay’adda DBG, Cumar Colaad oo si wanaagsan ay isku yaqaanneen marxuumka ayaa sheegay inuu ku yaqaannay dal jacayl, waddaninimo iyo inuu dadaallo badan u galay sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd.

Allaha u naxariistee Shariif Saalax ayaa sannadihii lasoo dhaafay ka qayb-galay barnaamijyo looga hadlayay sidii ay ku suuro-gashay in af-Soomaaliga la qoro, isagoo hoosta ka xariiqay inay dhibaatooyin badan kasoo mareen qoraalka afka Soomaaliga.

Marxuumka ayaa isla maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla deegaanka Calammada oo ku yaalla inta dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose k.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya