4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2014
Somalia oo Xoojinaysa Qodobadii ay kula Heshiiyay Ururka Shaqada Adduunka

Jimco, Maarso 21, 2014 (HOL) — Raíisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa kala hadlay shirweynaha ururka caalamiga ah ee Shaqada (ILO) iyo guddiga sare ee maamulka ururka, sidii Somalia loogala shaqayn lahaa barnaamijka hab-wanaaga shaqada, iyadoo kaddibna uu raíisul wasaaruhu saxiixay qodobbada xoojinta aas-aasiga ah ee hesiiska ururka caalamiga ah ee shaqada.

Raíisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Saxiixay Qodobbada kala ah:

1. Xorriyadda Ururada Shaqaalaha iyo kulamada ay isugu yimaadaan.
2. Xuquuq-siinta qofka shaqaalaha ah.
3. La-dagaalanka carruurta lagu shaqeeyo ama la shaqaaleysiiyo.

Qorshaha Soomaaliya ee ka mid noqoshada barnaamijka hab-wanaagga shaqada waxaa ujeeddadiisu tahay abuurista shaqooyin la isku halleyn karo iyadoo diiradda la saarayo shaqo-abuurka dhallinyarada iyo ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah ee shaqaalaha.

“Soomaaliya waxay leedahay khayraad badan oo dabiici ah, waxaase jirta in aan la hormarinin ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, suuq-geyn la’aanta ganacsiga,  nidaamka waxbarasho iyo awood-yari la xiriirta sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadkaasi. In badan oo ka mid ah dhallinyarada aan shaqeyn waxay halis ugu jiraan inay ka mid noqdaan amni-daradda iyo falalka dambiyada ay geysanayaan kooxaha argagixisada ah maadaama looga faaíidaysanayo tabar-darridaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay shirka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray: “Waa inaan wax ka qabanaa dhibaatada shaqo la’aaneed, kuwaasoo qayb ka qaadanaya xasillooni la’aanta; isla markaana fursad siinaya kooxaha nabadda kasoo horjeeda. Waa inaan isbedel ku talaabsanaa oo aan u istaagnaa in dadku ay ka faaíidaystaan kheyraadkooda, iyadoo laga qayb-gelin doono siyaasadda, nabadda iyo dhismaha dowladnimada.

“Shaqo-abuurku wuxuu door fiican ka ciyaarayaa qorshaha xasillinta dalka, waana inaa u xaqiijinnaa shacabka Soomaaliyeed in ammaanku soo hagaagayo oo kuwa ka soo horjeeda nabadda laga xoreeyo dalka oo dhan. Maal-galinta iyo shaqo-abuurku waa arrin faa’iido u leh Soomaaliya, waxayna xoojinaysaa ammaanka iyo deggenaanshaha dalka.”

Agaasimaha guud ee ILO, Guy Ryder ayaa ku mar-tiqaaday raíisul wasaaraha iyo wafdigiisa qado-sharaf, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dhinac .

Raíisul wasaaraha ayaa dhanka kale wuxuu magaalada Geneve kulan kula qaatay wakiillada dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ee fadhoodu yahay Geneva, iyadoo kulankaas ay shir-gudoominaysay wakiilka UK ee Qaramada Midoobay ee (Geneve), waxaana raíisul wasaaruhu uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, howl-gallada lagula dagaalamayo Al-shabaab. Wakiillada ka qayb-galay kulankaas ayaa sheegay inay taageerayaan dadaallada kala duwan ee looga qayb-qaadanayo xasilinta; iyagoo dhanka kale soo dhaweeyay dadaalka xukuumadda uu hoggaanka u hayo raíisul wasaare, C/weli Sheekh Axmed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya