4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2014
GOODAX: “Ahlusunna ciidan ma lahan, horay ayayna Dowladda ugu biireen”


Jimco, Maarso 21, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre oo hoggaaminayay wafdigii dowladda ee tagay magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in wax wanaagsan ay dhex-mareen iyaga iyo Ahlusunna.

Mudane Goodax ayaa sheegay in xubnihii Ahlusunna ee ay lasoo kulmeen ay kala hadleen arrimo badan oo muhiim ah, isagoo beeniyay wararka sheegaya inuu dhex-maray khilaaf ku saabsanaa wada hadalkooda.

"Xubnihii aan soo aragnay wax wanaagsan ayaa ka hadalnay, ma ogin waxaad sheegeyso," ayuu yiri wasiirka oo markii uu kusoo laabtay Muqdisho wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: "Ahlusunna ciidammo ma lahan muddo bilo laga joogo ayay ciidamadoodii dowladda kusoo wareejiyeen, kaddib heshiis dhex-maray, waa urur diini iyo siyaasiyan ah, inaan la kulanno oo aan kala hadalno howlgalada socda waa wanaagsanayd, waana is-afgaranay," ayuu Goodax hadalkiisa ku daray.

Xoogagga Ahlusunna ayaa dagaal hubeysan kula galay Al-shabaab deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana jiray heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo iyaga, kaasoo ugu dambeyn keenay in xubno ka tirsan Ahlusunna jagooyin laga siiyo dowladdii KMG ahayd ee Somalia; kuwaasoo isugu jira wasiirro iyo saraakiil ciidan.

Sannadkii hore ayaa ra'iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa heshiis uu lasoo saxiixday Ahlusunna, iyadoo ciidamadii Ahlusunna ay ku biireen xilligii kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana haatan ka howlgalaan xerada qaybta 2-aad ee gobollada dhexe.

Inkastoo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya uu sheegay inaysan Ahlusunna ciidammo lahayn oo ay xoogaggoodii ku biireen dowladda ayaa haddana mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna ay sheegeen inay ciidamadooda ka madax-banaan yihiin kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya