4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2014
Isku-aadka Wareegga 8-aad ee UEFA Champions oo la shaaciyay (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 21, 2014 (HOL) — Isku aadka wareegga 8-aad ee koobka Yurub ayaa goor-dhaweyd lasoo saaray, iyadoo lagu arkay kulammo xiisa leh oo ay yeelanayaan kooxaha qaar ee ku xifaaltama koobka UEFA Champions League.

Waxaa sanadkan lagu casuumay xarunta uu shirka ka dhacayay laacibkii hore ee kooxda Real Madrid Luis Figo ,kaasi oo gacantiisa ku soo saaray kooxaha isku dhacaya iyo waliba kulamada la ciyaari doono dhawaan.

Kulammada xiisaha gaarka ah leh ee ka soo dhex-baxay isku aadkan ayaa ahaa kooxaha Barcelona iyo Atlantico Madrid oo foodda is-dari doona,waxaana labadan kooxood ay iminka tartan xoogan ugu jiraan hanashada horyaalka La-liga.

Sidoo kale kulamada xiisa leh waxaa kamid ah Bayern Munich iyo Manchester United oo madax isla galay, waxaana lagu wadaa  in kooxda Bayern ay lugta hore ku ciyaarto garoonka Old Trafford, mana ahan kulankii ugu horeeyay ee labadan kooxood dhex mara.

Isku-aadka Wareegga 8-aad ayaa ah sidan:

1. Barcelona Vs Atletico Madrid
2. Real Madrid Vs Borusia Dortmound
3. Paris Saint-Germain Vas Chalsea
4. Manchester United Vs Bayern Munich

Wareegga 8-aad waxaa la ciyaari doonaa lugta hore 1-da iyo 2-da bisha April halka lugta labaad la ciyaari doono 08-da iyo 09-ka April,waxaana lagu wadaa in koox kasta ay soo bandhigto awoodda ay ugu soo bixi karto wareegga xiga ee afarta.

Isku aadka semi-finalka ayaana Nyon lagu qaban doonaa 11ka April iyadoo semi-finalka lugta hore la ciyaari doono 22-ka iyo 23-da April halka lugta labaad la ciyaari doono 29-ka iyo 30-ka April.

Finalka Champions League waxa uu ka dhici doonaa garoonka kooxda Benfica Estádio do Sport Lisboa maalin sabti ah 24-ta bisha May ee 2014-ka, waxaana la filayaa in taageerayaal badan oo dunida daafihiisa kala jooga  ay u soo daawasho tagaan.


Faysal Mohamed Hassan
[email protected]