4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2014
Ciidammo ka socda Dalka Burundi oo Gaaray Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)


Jimco, March 21, 2014(HOL) :- Ku dhawaad ilaa 69 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ka wado Soomaaliya ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Sieraleone iyo kuwa Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana intaa ka dib la dejiyay saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Tirada guud ee ciidamada Burundi ee la filayo in degmada Kismaayo ay yimaadaan ayaa ah ilaa 179 askari sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan AMISOM, waxaana maalinta berito ah la filayaa in lasoo dhameystiro ciidamada ka dhiman askartaasi iyo qalabkooda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Ciidamada ka socda dalka Burundi iyo Sieraleone ayaa la filayaa in ay badalaan ciidamada Kenya ee imika ka howlgala degmada Kismaayo.

Askartan ka socota Burundi ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya ay howlgallo ballaaran ka wadaan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
KIsmaayo, Soomaaliya