4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2014
Ardayda Jaamacadda Admas oo xusay Maalinta Shaqada Bulshada Caalamka


Jimco, Maarso 21, 2014 (HOL) — Kuulliyadda Sayniska gaar ahaan qaybta Social Work oo kaashaynaysa maamulka sare ee Jaamacadda iyo kulliyadaha kale ee Admas University College, ayaa u dabaal-dagtay maalinta caalamiga ah ee Social Work Day oo sanadkasta la xuso bisha Maarso 19-keedda.

Munaasibadan ayaa waxa ka soo qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Xuseen Cabdillaahi Maxamuud,Madaxa Kuulliyadda Social Work Professor Mukhtaar Caabi,wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Marwo Shukri Xariir Ismaaciil,Agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye,Professor-rada Jaamacadda wax ka dhiga iyo guud ahaa shaqaale waynaha Admas University College,wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgaadhiisnta Cali Cimli Geelle,Marwo Faadumo Siciid iyo shakhsiyaad kale oo shahaadooyin halkaa lagu gudoonsiiyey kuwaas oo ay Jaamacaddu u aqoosnatay inay yihiin dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada [Social workers] iyo marti sharaf kale oo soo buux dhaafiyey barxadda weyn ee Jaamacadda Admas University College.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas Xuseen Cabdillaahi Maxamuud ayaa sheegay inay Kuulliyadda Social Work ay tahay ADMAS Jamaacadii ugu horasay ee dalka keentay Kuulliyadaasi, taas oo aan horey uga jiri-jirin jaamacadaha waddanka balse ay maamulka Admas isla qaateen inay Kulliyaddaasi dalka ka higaliyaan kadib markii ay baadhitaan dheer ka jaamacad ahaan ku ogaadeen baahida looqabo Kuulliyadddaasi iyo culuumta casriga ah ee ay xanbaarsan tahay bahda dhalinyaradu ka sharaabaan Jaamacadda Admas University College.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


“Dalku waxa uu leeyahay Schoollo ay dhigtaan dadka dhagaha la iyo kuwa indhoolayaasha ah labadaba waxaabay dakaasi u baahan yihiin inay helaan cidii u shaqayn lahayd oo ah noocan Social Wokers-ka ah ee ay Admas soo saarayso oo kale,” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas Xuseen Cabdilaahi Maxamuud.

“Barnaamijkan Social work waa maado ka warramaysa sida looga shaqeeyo arrimaha bulshada ama loo xalili mashaakilaadka dhexyaalla bulshada isku cayn iyo bayd go’an” ayuu yidhi Professor  Mukhtaar Caabi madaxa kuuuliyadan.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka tiriyey gabay qiiro leh oo uu ku luuqaynayo luuqdii Alle hawnaxariistee Abwaankii caanka ahaa Cabdillaahi Sudlaan Tima-cade halkaasi ka jeediyey, taas oo ay ardaydu usoo dhoweeyeen sida uu u matalay luuqdii abwaanka.

Marwo Faadumo Siciid, Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle iyo marti sharaf kale ayaa iyaguna jaamacadda Admas ku amaanay xuska maalintan iyo sida ay fursad usiisay ardaydu inay bartaan kuuliyadan oo aad loogu baahnaa.

Marwo Shkri Xariir Ismaaciil oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, ayaa soo dhoweysay kuuliyadan oo ay sheegtay inay dadku baahi badan u qabeen, isla markaana mustaqbalka wax ka bedeli doonaan hab dhaqanka nolosha.

Gabo-gabadii xafladdaasi waxa  maamulka Jaamacadda iyo wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrima bulshada iyo agaasimaha wasaaradda tacliinta sare shahaadooyin abaal-marin ah ku gudoonsiiyeen nin oday ah oo 50 sano in ka badan u taagnaa waxka qabashada wadooyinka burnuray oo dhibaato badan ku hayey gaadiidka iyo dadkaba kaas oo wax badan ka qabtay arrimaha bulshada,wasiirkii hore ee Boosaha iyo is gaadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo loo aqoonsaday inuu yahay nin ka shaqeeya arrimaha bulshada gaar ahaan xagga waxbarashada iyo gabadh Khadra la yidhaado oo ah gudoomiyaha ururka maxalliga ah ee Barwaaqo oo ka shaqeeya arrimaha bulshada jilicddasan.

Intaas ka dibna waxa lagu soo bandhigay Riwaayad ay allufeen ardayda dhigata kuuliyadan, kuwaas oo ku matalayey bulshu dhibaataysan iyo shakhsiyaad Social workers ah oo ka caawinaya dadkaasi sidii ay dhibaadadaa ku xalin lahaayeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland