4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2014
Afhayeenka AMISOM oo ka Hadlay Waajibaadyada iyo Howl-gallada AMSIOM


Jimco, Maarso 21, 2014 (HOL) —Afhayeenka ciidamada AMSIOM, Cali Aadan Xumad ayaa ka dhawaajiiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay si wadajir ah uga howl-galayaan deegaannada Al-shabaab laga saaray, isagoo xusay in howlgalku uu sii socon doono.

Col. Xumad oo u warramayay Sabahi Online ayaa sheegay inay gar-gaar gaarsiiyeen dadka ku nool goobaha laga saaray dhawaan Al-shabaab ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla.

“Dhul ballaaran ayaan laga xoreeyay Al-shabaab, waxaana haatan ku dhownahay halkii aan doonaynay inaan gaarno iyo aaggii aan doonaynay inaan xoreyno. Mar walba oo weerar aan ku qaadno aagga ay joogaan Al-shabaab waa ay cararaan,” ayuu yiri Col. Xumad.

Sidoo kale, isagoo ka hadlayay degmooyinka ay Al-shabaab ka saareen ayuu xusay inay siddeed degmo ka qabsadeen Al-shabaab, kuwaasoo ku kala yaalla gobollada Bay, Bakool, Gedo iyo Hiiraan oo ay ku jiraan Buulo-burte iyo Xudur.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha kasoo gaaray dagaalladaas ayuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo, isagoo sheegay in khasaaraha gaaray ay ka muhiimsan tahay inta degmo ee ay qabsadeen, isagoo xusay in Al-shabaab ay doonayaan inay dadka isku dhex-qariyaan.

“AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya mid waliba wuxuu gutaa waajibkiisa gaark ah, balse si wadajir ah ayay u shaqeeyaan, ciidamada Soomaalida ayaa isku xira dadka iyo xukuumadda markii deegaan laga saaro Al-shabaab, waayo iyagu waa Somali,” ayuu Col. Xumad kaga jawaabay su’aal ahayd sida ay u wada shaqeeyaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM..

Su’aal ahayd in booliiska AMISOM ay ka howlgalayaan deegaanadii Al-shabaab laga saaray ayuu kaga jawaabay in duruufo jira awgood aysan xilligan ka howlgeli karin deegaannadaas, balse ay ka howlgalaan xilligan Muqdisho iyo Kismaayo oo keliya.

“Waxaan gaarsiinnaa dadka ku nool deegaannada Al-shabaab gargaar, biyo ayaan siinnaa, waxaan kaloo u qabanaa daryeel caafimaad, waxaan ka caawinnaa dhib walba oo haysta si ay u soo kabtaan. Sidoo kale caalamka waxaan u dirnay inay baaq ah inay gargaar lasoo gaaraan,” ayuu yiri Col. Xumad oo ka jawaabayay su’aal ahayd inay gargaar gaarsiiyeen dadka ku nool deegaannada Al-shabaab laga saaray.

Dhanka kale, afhayeenka AMISOM waxaa wax laga weydiiay kaalinta ay AMISOM ka geysan karto dhismaha maamul-goboleedyada dalka, isagoo inaysan iyagu dhex-geli doonin howshaas, balse waxaan ka shaqeynaa sidii aan deegaannada uga saari lahayn Al-shabaab, si shacabku u doortaan maamulkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya