4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Xafladda Daah-furka Ururka New Horizon oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay ururka New Horizon oo macnahiisu yahay ‘Waaberiga Cusub’ ayaa lagu qabtay maanta hoteelka Safaari ee magaalada Muqdisho, iyadoo hadallo ay ka jeediyeen xubno kala duwan.

Maamulaha Guud ee New Horizon, Maxamed Sheekh Cali Axmed (Maxamed Diini) oo munaasabadda furay ayaa sheegay in hadafka New Horizon uu yahay sidii lagu heli lahaa bulsho dhinac walba ka dhisan, sida diinta, waxbarashada, akhlaaqda iyo fikirka. Isagoo xusay in unugyada aasaaska u ah New Horizon ay yihiin: Dulqaad, Hal-abuur iyo Mudnaan.

“Qorshaha aan ku shaqeynayno waa afar qodob oo kala ah: kaydka waxbarashada, al-kumidda nabadda, horumarinta hoggaaminta wanaagsan iyo abaal-marinta hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo wadahadal iyo waxqabad,” ayuu yiri Maxamed Diini.

Maxamed Diini ayaa xusay in New Horizon ay deeqo waxbarasho jaamacadeed ah u raadin doonto dhallinyarada maskaxda fir-fircoon leh, iyadoo dhaqaalahaas uu ka imaan doono dhaq-dhaqaaqyo maal-gelineed oo kala duwan oo ay dhallinyaradu waddo.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


“Arrinta kale ee aan xoogga saarayno waa nabadda, iyadoo al-kumidda nabadda uu yahay dadaal ay dhallinyaradu waddo, si loo gaarsiiyo nabadda illaa heer bulsho. Iyadoo taas lagu gaarayo dhaq-dhaqaaqyo kala duwan, sida: ololayaal, wadahadal iyo doodo, si loo abuuro ra’yi is-weydaarsi xoojiya higsiga nabadda,” ayuu mar kale yiri Maxamed Diini.

Sidoo kale, maamulaha guud ee New Horizon ayaa sheegay in hal-doorka dhallinta Soomaaliyeed lagu abaal-marin doono billad-sharafta sannadka; iyadoo looga gol-leeyahay in lagu dhiirri-geliyo howsha wanaagsan ee uu qabtay, si ay dhallinyarada kale ugu daydaan.

Intaas kaddib waxaa hadlay, guddoomiyaha mashruuca dib u soo nooleynta jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Axmed Jimcaale oo ku boorriyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadda ay hadda haystaan oo aysan noqon kuwo iska dayaca.

Faadumo Cali oo ah guddoomiyaha ardayda jaamacadda City University oo ka mid ah jaamacadaha ku yaalla Muqdisho oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa ku boorrisay dhallinyarada Soomaaliyeed inaysan cidna ku halleyn dalkooda oo ay iyagu dhexda u xirtaan nabadeyntiisa iyo dib u dhiskiisa.

Sidoo kale, Faadumo waxay sheegtay in dad shisheeye ah aan laga sugin inay dib u dhis ku sameeyaan dalkeenna, sidoo kalena dhallinyaradu aysan isku halleyn inay lacag ka sugaan dibadda, balse looga baahan yahay inay muruqooda maalaan.

Madaxa hay’adda Hormuud Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in iskaashiga dhallinyarada lagu gaari karo horumar, isagoo dhallinta Soomaaliyeed kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan fursadaha ay u waddo New Horizon, ayna shirkadda hormuud gacan ka geysan doonto sidii dhallinyarada Soomaaliyeed loo horumarin lahaa.

Sahra Sheekh Xuseen oo ah maamo Soomaaliyeed oo muddo kusoo jirtay arrimaha bulshada oo iyaduna hadal qiiro geliyay kasoo qayb-galayaashii ka jeedisay goobta ayaa sheegtay in dhallinyarada looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan fursadda ay haystaan, iyadoo xustay in dhallinyaranimadu ay wax badan lagu qabsan karo haddii la fikiro.

C/rashiid Cali Caynaanshe oo ku hadlay magaca Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa isaguna ka sheegay munaasabadda inay gacan ka siin doonaan New Horizon howsha cusub ee ay ku caawinayso dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa munaasabadda soo xiray, madaxa iyo aasaasaha Machadka Horumarinta Aadanaha ee Boorame, Maxamed Cumar Cismaan isagoo jeediyay khudbad aad u soo jidatay ka qayb-galayaashii munaasabadda, iyadoo hadalladii uu ka jeediyay goobta ay mar walba sacab ku kaalmeynayeen dadkii munaasabadda ku sugnaa.

Maxamed Cumar ayaa wuxuu si aad ah uga hadlay awoodda dhallinyarada iyo sida loogu baahan yahay inay uga faa’iideystaan, dalkooda iyo dadkoodana ay horumar ku gaarsiiyaan.

“Dal walba waxaa horumarkiisa looga qiyaas-qaataa hadba aqoonta, garaadka iyo wax-qabadka dhallinyaradiisa, innagana waxaa nalooga baahan yahay inaan sidaa oo kale dalkeenna ka dhigno mid la tartama dalalka la midka ah, isla markaana u higsada kuwa kale ee caalamka,” ayuu yiri Maxamed Cumar, iyadoo hadalladan ay dadkii goobta ku sugnaa oo dhan aad ugu sacab-tumeen.

Ugu dambeyn, Maxamed Cumar oo hadalladiisu ay ahaayeen kuwo soo jiirtay intii ku sugnayd hoolka munaasabaddu ka dhacaysay ayaa sheegay in dhallinyaro leh sifooyin wanaagsan lagu heli karo, in dhallinyaradu ay is-ixtiraamto; mid walbana lagu tix-geliyo kaalinta uu bulshada kaga jiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya