4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Xaasaska Al-shabaab oo lagu Amray inay Kismaayo uga baxaan laba casho
Khamiis, March 20, 2014(HOL) :- Xaasaska Al-shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa lagu amray in ay laba beri gudahood uga baxaan magaalada Kismaayo, iyadoo looga digay cidii ka dhago adaygta amarkan in laga qaadi doono Tallaabo.

Gaadiid lagu soo xiray qalabka cod baahiyaha oo maanta socod kusoo maray dhamaan wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada Kismaayo ayaa lagu amray in xaasaska Al-shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo ay si deg deg ah uga baxaan.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba Macalim Max'ed Ibraahim uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan xaasaska Al-shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Xiriir aan la sameynay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba ayay inoo suurogeli weysay in aan faahfaahin ka helno, haseyeeshee dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalmihii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka soconayeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga oo ay sameynayeen ciidamada ammaanka maamulka Jubba.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya