4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Madoobe Nuunow oo Magacaabay Wasiirradiisii ugu Horreeyay (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed  ee lagu doortay dhawaan magaalada Baydhabo, Madoobe Nuunoow Maxamed iyo ku xigeenkiisa, Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada wasiirradii ugu horreeyay oo maamulkaas uu yeesho.

Wasiirradan oo tiradoodu tahay toddoba xubnood ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

1. Dr. Maxamed Cali Xaamud, wasiirka garsoorka iyo arrimaha Diinta
2. Dr. Maxamed Aadan Fargeeti, wasiirka arrimaha dibadda
3. Dr. Maxamed Nuur Cabdulle, wasiirka madaxtooyada
4. Prof. C/qaadir Nuur Abuu, wasiirka beeraha iyo bay'ada
5, Cabdifataax Ibraahim Geeseey, wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga 
6, Cabdullaahi Maxamed Idiris, wasiirka gaadiidka iyo garoomada
7. Shiine Macallin Nuuroow, wasiirka dowladda Hoose iyo horamarinta reer miyiga

Madoobe Nuunow ayaa sheegay inay dowladdiisu yeelan doonto 23 wasiir, ayna ku dhawaaqi doonaan wasiirrada kale maalmaha soo socda, isagoo sidoo kale sheegay inay magacaabi doonaa maamullo KMG oo gobollada iyo degmooyinka hoos-yimaada maamulkooda ay yeelan doonaan.

Dhinaca kale, waxaa socda shirkii maamul u sameynta Koonfur-galbeed oo saddex gobol ka koobnaan doona, kaasoo barbar socday shirka lagu dhisay maamulka lixda gobol ka kooban.

Ergooyinka shirkaas ka qaybgalaya ayaa sheegay inay berri oo Jimco ah sugayaan in ay soo gaaraan degmada Baydhabo xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo uu hoggaaminayo mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shirkan hormuud u ah.


Hiiraan Online, Baydhabo