4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Anaadiif oo Amaanay Ciidamada Jabuuti iyo Maydad laga dhoofiyay Muqdisho

Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa sheegay sheegay in ciidamada Jabuuti ka socda ee qaybta ka ah AMISOM ay sii wadayaan ka qayb-qaadashada sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

Dajire Anaadiif ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay taliyaha guud ee ciidamada dalka Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim oo Muqdisho yimid, si uu u booqdo ciidamadii Jabuuti ee ku dhaawacmay weerarkii toddobaadkan ka dhacay degmada Buulo-burte.

“Ciidamada Jabuuti kaalin weyn ayay ka qaateen howlgallada kooxda Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya. Waxaan qirayaa in tan iyo markii ay howlgalladu billowdeen in ciidamada AMISOM ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaallada lagula jiro Al-shabaab,” ayuu yiri dajire Anaadiif.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM ay ka saareen Al-shabaab toddobaadkii lasoo dhaafay degmada Buulo-burte oo uu ku sheegay inay tahay magaalo muhiim ah.

Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Anaadiif ayaa ammaanay lix askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM ka tirsan oo maydadkooda laga dhoofiya maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaasoo ku dhintay dagaalladii Al-shabaab looga saaray degmada Buulo-burte iyo weerarkii degmadaas ka dhacay.

“Anigoo ku hadlaya magaca Midowga Afrika iyo kayga, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti, saaxiibbadii iyo qaraabadii ay lixdan askari ka tageen, kuwaasoo u dhintay sidii ay nabad ugu soo celin lahaayeen Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Anaadiif.

Taliyaha ciidamada Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay sii wado dadaallada loogu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in lixda askari ee ka dhintay inaysan ku qasbayn Jabuuti inay joojiso dagaalka ay ku doonayso in dalkan (Soomaaliya) nabad lagu soo celiyo.

Markii kulanka labada mas’uul uu soo dhammaaday ayaa waxay sagootiyeen maydadka askartii Jabuuti ee ku dhingay dagaalladii dhawaan ka dhacay gobolka Hiiraan iyo weerarkii degmada Buulo-burte lagu qaaday laba habeen ka hor.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya