4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Dhaqan-gelinta Xeerka Saxaafadda Somaliland oo lagu Heshiis (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Baarlamaanka iyo saxaafada Somaliland, ayaa isku waafaqay  in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada Somaliland ee 27/2004, isla  markaana isla gartay in aan baahi loo qabin xeerka cusub ee dhowaan hindisihiisa la wadwaday.

Labadan dhinac, ayaa ku heshiiyey  shan qodob oo ay ka mid tahay in gudi  daba gasha dhaqan-galinta xeerka saxaafada  ee 27/2004 oo ka kooban saxaafada iyo baarlamaanka la sameeyo.

Mudanayaasha aqalka wakiillada Somaliland iyo qaybaha saxaafada Somaliland oo ay hormood ka yahay ururka SOLJA ayaa isla gartay in xukuumada Somaliland dhaqan galiso xeerka saxaafada Somaliland ee xeer no 27/2004.

Sidaana waxaa la iskula qaatay kulan shalay ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa kulankaas oo uu soo diyaariyay ururka SOLJA ayna maal galisay hay’ada horumarinta dimuqraadiyada ee NED.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Kulankaasi waxa kasoo qayb galay  7 Xildhibaan oo ka kala socday gudi hoosaadyada golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha gudida arimaha bulshada Md:Xasan Cawaale Caynaan  iyo 23 weriye  oo ka kala socday xarumaha warbaahinta Somaliland ee madaxa banaan iyo ta dawladaba,  waxaana kulankaa lagu lafo guray caqabadaha hortaagan xeerka saxaafada iyo sidoo kale dhibaatada suxufiyiiinta ka haysata xadhiga sharci darada ah ee kusii badanaya saxaafada Somaliland  iyo sababta uu u shaqayn laayahay xeerka saxaafada Somaliland  iyo heshiiskii ururka SOLJA iyo xukuumada Somaliland oo ilaa heer madaxweyne gaadhsiisnayd ay ku galeen January 2012 in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada ee 27/2004 iyo arimo kale oo farabadan oo lagu falanqeeyay  kulankaas  kadib Waxaa kasoo baxay shan qodab oo kala ah.

1. In la sii xoojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee Golaha Wakiillada iyo Saxaafadda xorta ah

2. In la sameeyo Guddi wada jir ah (joint-commitee) oo ka kooban saxaafada iyo golaha oo dabagasha ixtiraamida xoriyatal qowlka iyo dhaqan gelinta xeerka saxaafada

3. In la dhiiri galiyo dhaqangelinta xeerka saxaafada ee 27/2004  isla markaana aan loo bahnayn in la samayo  xeer saxaafadeed  hor leh iyadoo aan kii hore lagu shaqayn .

4. In Golaha Wakiiladu sameeyo xafiis u gaar ah saxaafada oo ka hawl-gala isku soo dhaweynta labada dhinac.

5. Inay saxaaafadu ixtiraanto kuna dhaqanto xeerka saxaafada ee 27/2004 iyo xeerasha kale ee caalamiga ah ee mihnadooda wanaajinaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland