4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Madaxweynaha Puntland oo magaalada Qardho soo gaaray(SAWIRRO)

Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa maanta gaaray si weynna loogu soo dhoweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ay kamid yihiin : Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Maxamuud Alloore, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saadi Eenow, Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Wasiirka Garoommada iyo Duulista Hawada Xasan Xaaji Siciid Xasan.

Dadweyne kumannaan gaaraya oo ruxayey calammo iyo caleemo qoyan ayaa wafdiga madaxweynaha kaga hortegey meel magaalada Qardho 10km dhinaca koonfurta kaga beegan, wuxuuna markii uu magaalada soo gaarey ku lugeeyey jidka weyn ee laamiga ah ee magaalada dhex mara.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xarunta Dowladda Hoose ayuu ugu dambeyntii dadweynaha kula halday, wuxuuna si kooban uga warbixiyey socdaalkiisa magaalada Qardho iyo waxa xilligan kusoo beegay, isagoo sheegay in muddada uu Qardho ku sugan yahay uu la kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana uu dhegeysan doono baahiyaha ay qabaan iyo waxyaabaha ay tabanayaan.

“Ma ahan markii koowaad  aan idiin imaado, mar walba soo dhoweyn iyo wanaag badan baan idin kala kulmayay...Shalay waxan idin imid anigoo musharax ah maanta waxaan idiin imid anigoo Madaxweynihii Puntland ah, shalay waxaan sameynay ballan qaad, maanta waxaad nooga fadhidaanna waa inaan fulinno ballan-qaadkii aan horay dadka Puntland ugu samaynay..." Madaxweyne Gaas ayaa sidaa yiri.

Waa safarkii koowaad ee Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu kusoo gaaro magaalada Qardho. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in wafdiga madaxweynuhu ay usoo gudbaan dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya