4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo shil ku dhaawacmay (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Alla ha u naraxiistee waxa shil gaadhi ku geeriyooday caaqil Cabdi Cigaal (Hadoodil) oo ka mid ahaa dadweynihii soo dhoweynayey weftiga madaxweynaha, halka saddex masuul oo ka tirsan xukuumadda Somaliland dhaawac ka soo gaadhay shilal ka dhacay inta u dhexeysa Berbera iyo Degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil.

Alla ha u naraxariisto caaqil Cabdi Hadoodil ayaa la sheegay inuu gaadhigiisa la qalibmay, halka masuuliyiinta kalana gaadiidkii ay wateen isku dhaceen.

Gaadiidkiii Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo toosiye ayaa isku dhacay taas oo dhaawac ka soo gaadhay labaddaaasi wasiir, afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan dhuxul iyo gudoomiyihii hore ee ururka saxaafadda SOLJA Mustafe Shiine.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Dhaawaca masuuliyiintan ayaa la keenay cisbitaalka Berberta,haseyeeshee isku duwaha Caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr:Cabdirixiim Cajab oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa ii sheegay inay dhaawac fudud yihiin, isla markaana ay xaaladoodu fiican tahay, isagoo sheegay in wasiiirka Warfaafintu ka jabay gacanta midig, halka masuuliyiinta kale dhaawac muuqdaa soo gaadhin, balse ay jugag hoose soo gaadhay, sidoo kale waxa dhaawac soo gaadhay askarigii ilaalinayey wasiirka Caafimaadka oo magaciisa la yidhaa Cawil Maxamuud.

Mas’uuliyiintan dhaawacmay ayaa la socday wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo gobladda bariga safar shaqo ku tagay. Madaxweynaha ayaa dhakhtarka Berbera ku booqday, isla markaana ilaahay u baryey inuu caafimaadsiiyo.

Sidoo kale waxa shil kale ku dhaawacmay saddex qof oo ku socday geerida caaqilka dhintay, kuwaas oo dhawacoogii dhakhtarka Berbera la keenay sida uu ii xaqiijiyey iskuduwaha Caafimaadka ee gobolka Saaxil.

 Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland