4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Kumannaan Afrikaan ah oo la badbaadiyay 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay


Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Cidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa bad-baadiyay dhowr doomood oo ay la socdeen muhaajiriin Afrikaan ah oo wadamo kala duwan ka soo jeeda ,kuwaasi oo doonayay in ay gudaha u sii galaan Talyaaniga ugana sii gudbaan qaybaha kale Yurub.

Wariyaha BBC-da ee Roma Alan Johnston ayaa soo sheegay in dadkan ay ku jiraan tiro haween iyo caruur ah oo intooda badan ka soo jeeda wadamada Ereteriya iyo Suuriya oo iminka ay ka socdaan dagaallo sokeeye oo sababay barakac badan.

Tirada muhaajiriinta ayaa gaaraysa 500- oo ruux ,waxaana markii hore ay doonayeen in ay iska dhiibaan Spain ,balse waxaa soo bad-baadiyay ciidamada Talyaaniga ,iyadoo qaar kamid ah muhaajiriinta iminka lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.

"Muhaajiriinta waxa ay la socdeen 13-doomood oo aad ula ciir-ciirayay rakaabka saaran "ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada ilaalada xeebaha  Talyaaniga, iyadoo dadkan la bad-baadiyay aysan ahayn kuwii ugu horeeyay ee soo gaara Malta.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa heegan sare la galiyay ilaalada xeebaha Spain ,ka dib markii ay sara u kaceen tirada qaxootiga ah ee ka soo baxaya Liibiya ,waxaana la sheegay in 48-saac ee ugu danbaysay ay soo gaareen xeebaha Spain iyo Talyaaniga dad lagu qiyaasay 2,000 oo ruux.

Ugu danbayntii ciidamada ilaalada xeebaha ee labadaas wadan ayaa u digay dadka wax soo tahriibaya ,iyaga oo sheegay in ay khatar soo galiyaan nolosha boqolaal qof bil walba ,waxaana dadkaas inta badan ku jira Soomaali ka soo cararay colaadaha ka jira meelo kamid ah dalka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]